Kenya oo saakay Tarxiileysa 90 Soomaali ah

kenyatarxil2-515x343Diyaarad sidda ku dhawaad sagaashan qofood oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay dalka Kenya ayaa maanta lagu wadaa inay ka soo degto garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dadkaan ayaa qeyb ka ah boqollaal Soomaali ah oo ay ciidamada Kenya ka soo qabqabteen magaalada Nairobi, ayagoo ku eedeynaya inaysan heysan sharci ay ku joogaan waddankaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa sheegtay in dadkaani ay ku jiraan dad waayeel ah iyo carruur, qaar ka mid ah la hadlay warbaahinta waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Waa qeybtii afaraad ee ah Soomaali laga soo celiyo waddanka Kenya oo la keeno waddankeena tan iyo markii ay ciidamada Kenya bilaabeen howl galka ka dhanka ah Soomaalida ku nool Nairobi gaar ahaan xaafadda Islii oo ay ganacsi badan ku leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here