Kenya oo saakay bilaabeyso baaritaanka weerarki Gaarisa

Saraakiisha amaanka dalka Kenya ayaa sheegay in ay maanta bilaabayaan baaritaano ku aadan weeraradi shalay lagu qaaday laba kaniisad oo ku yaala magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari.

War kasoo baxay wasaarada amaanka iyo arimaha gudaha ayaa lagu sheegay in ay bilaabanayaan baaritaanada si loo ogaado cidi ka danbeysay iyo inti ku lugta laheyd weerarkaasi oo ahaa kii ugu qasaaraha badnaa ee sanadkaan ka dhacay Kenya.

16 ruux ayaa la xaqiijiyey in ay ku dhinteen weerarki shalay halka ay ku dhaawacmeen 47 kale sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo kuwa amaanka ee magaalada Gaarisa.

Dadka la weeraray ayaa ahaa masiixiyiin ku cibaadeysanayey laba kaniisadood shalay oo Axad aheyd isla markaana ah maalinta ay cibaadeystaan dadka heysta diinta Masiixiga.

Magaalada Gaarisa oo ah magaalo 140-km u jirto xadka Soomaaliya ayaa waxaa u badan Soomaalida Kenya, waxaana xalay ka jiray cabsi ay dadka qabeen taasi oo aheyd in ay talaabo qaadaan ciidamada amaanka.

Dadka ayaa xarooday inta aysan qoraxda dhicin waxaana magaalada daadsanaa ciidamo oo amaanka si weyn u sugayey.

Wali ma jirto cid sheegatay weeraraan, laakin Kenya ayaa ku tuhunsan Al Shabaab oo horay u sheegtay weeraro sidaan oo kale loogu qaaday meelo kala duwan oo Kenya ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.