Kenya oo Reer Galbeedka ka taageerayaan la dagaalanka Al Shabaab

kenyatta_2576521bBayaan ay si wada jir ah usoo saareen danjirayaasha dawladaha Ingiriiska, Maraykanka, Canada , Sweden, Faransiiska, Denmark, Holland iyo  Australia ayaa waxay ku sheegeen inay xoojinayaan taageerada ay dawlada Kenya ku siinayaan dagaalka ka dhanka ah Xarakadda Al-Shabab oo dalkaasi dhawr jeer weeraro khasaaro geystay ka fuliyay.

War saxaafadeedkaan kasoo baxay madaxda safaaradaha dawladaha reer galbeedka qaarkood ayaa waxaa lagu sheegay inay xukuumadda Nairobi la wadaagayaan walwalka dhanka amaanka ah taasna ay keenayso in la kordhiyo taageeradda Kenya u baahantahay si ay Al-Shabab uga adkaato.

“Dhibaatadda amaan ee Al-Shabab ku hayaan dalka Kenya waa mid aanu wal wal badan ka qabno waxaase soo dhawaynaynaa go’aanada dawladu ka qaadatay arrintaan taasoo keenaysa inaanu xoojino taageeradda aanu dawlada siino loo helo Kenya oo amaan ah” ayaa lagu yiri warkaan ay si wada jirka ah usoo saareen safiiradda dawlada reer galbeedka qaarkood.

Sidoo kale danjirayaashaan ayaa dawlada Kenya usoo jeediyay inay soo saarto sharciga la dagaalanka waxa argagixisada loogu yeero taasoo keeni karta baa lagu yiri in la hortago weerarada Al-Shabab dalkaasi ka geystaan.

Al-Shabab si joogto ah ayay markii ay doonaan u weeraraan dalka Kenya waxaana weeraradaasi Al-Shabab ku macneeyeen inuu jawaab u yahay hawlgalka ciidamada Kenya Soomaaliya ka wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here