Kenya oo qirtay in ay dad rayid ah ku leysay Jubada Hoose

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in ay ciqaabeyso askarigi ka danbeeyey dilka 7 ruux oo rayid ah oo lagu dilay deegaanka Janaay Cabdalle ee koonfurta Somaliya.

Afhayeenka milatariga Kenya Col Cyrus Oguna ayaa sheegay in shilkaasi uu dhacay wax yar kadib marki ay  al-Shabab weerar gaadma ah ku qaadeen ceel biyood ay ciidamada Kenya biyo ka dhaansanayeen halkaas oo sidoo kalana ay joogeen dad rayid ah.

Waxa uu qiray in askari ka tirsan ciidankooda uu dilay shan ruux oo rayid ah iyaga dhankoodana dagaalkaasi uu uga dhintay hal askari.

“Intaasi kadib dad kala duwan ayaa kusoo dhawaaday difaacyada ciidanka Kenya halkaas oo uu askari Kenyan ah xabado ku furay lix ruux,” ayuu yiri.

Sarkaalkan ayaa sheegay in askariga falkaasi geystay hubka laga dhigay  tan iyo markaasina ilaalo gaar ah laga hayey, waxa kale oo uu intaasi ku daray in talaabo ku haboon laga qaadaho marka baaritaanka uu soo gaba gaboobo.

Ciidamada Kenya ayaa bilooyinki ugu danbeeyey waday in ay beegsadaan dadka shacabka ah deegaanada ay kula dagaalamayaan Al Shabab, waxa ay horay dad ugu laayeen Hoosingo, Kismaayo, duleedka Baardheere iyo Jilib.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here