Kenya oo Qiratay in Hoos Udhac Xoogan uu Kuyimid Lacagihii Dalxiiska ay ka Heli Jirtay

Baaritaano ay sameeysay Dowlda  kenya ayaa ogaatay   in weerarada ay geystaan dagaalyahanada islaamiyiinta soomaaliya ay hoos u dhigeen dalxiisayaashii usoo dalxiis tagi jiray wadanka kenya kadib markii kenya ay ciidankeeda u dirtay gudaha Soomaaliya ayaa waxaa arintaa ka dhashay qaraxyo iyo weeraro gaadmo ah oo lala beegsanayo gudaha wadanka Kenya kuwaas oo u muuqda in looga aar gudanayo galitaankii ciidanka Kenya ay soo galeen gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan Gobolada Jubooyinka.

Mariithi Ndegwa  oo ah  Maareeyahay Hay’ada Dalxiiska wadanka Kenya oo warbaahinta  kula hadlayey Magaalada ugu weyn ee loo dalxiis tago wadanka Kenya ee Mombasa  ayaa sheegay inay saameyn weyn ku yeesheen ammaan darrada ka taagan wadanka Kenya Dakhligii kenya kasoo gali jiray dalxiiska oo sanad walba celcelis ahaan kenya ay ka heli jirtay 98 bilyan oo shilinka kenya ah, wuxuuna sheegay in sanadkan ay ka baaqsadeen imaanshada dalka kenya kumannaan dalxiisayaal oo ka kala imaan lahaa wadamada reer galbeedka sida MAREYKANKA, INGIRIISKA, JARMALKA IYO FARANSIISKA kuwaas oo ka baqdin qaba hadii ay kenya yimaadaan iney bartilmaameed u noqdaan alshabaabka soomaaliya oo wacad ku maray iney beegsan doonaan Dalka Kenya iyo Dadka Shisheeye ee kusugan  wadanka Kenya.

Mariihti ayaa intaa kudaray in Kenya ay xiligan wajahayso xilli adag kadib markii ay weysay lacago badan oo kasoo gali jiray dalxiiska wadankaas, Wuxuuna Dowlada ugu baaqay iney wax ka qabato ammaanka gudaha wadanka Kenya gaar ahaan goobaha Caanka ku ah dalxiiska oo ay ugu horeyso magaalo xeebeedka Mombasa oo ah xarunta ganacsiga Wadankaas.

Wadamada reer galbeedka ayaa mawaadiniintooda uga digay iney u Safraan wadanka kenya oo ay sheegeen iney Khatar uga imaan karto hadii ay u Safraan Gudaha wadanka kenya.

Dowlada Kenya ayaa go’aansatay sanadkii lasoo dhaafay iney ka qeyb noqoto Hawlgalka AMISOM ee lagula dagaalamyo Ururka al-shabab oo ay kenya sheegtay inuu khatar kuyahay ammaanka gudaha  wadanka kenya waxaana xiligaa wixii ka danbeeyey ka bilowday falal ammaan darro oo ay ku dhinteen Dad badan oo kenyan ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here