Kenya oo Qabatey Afar Nin oo lagu Eedeeyey Qaraxyada Dalkaas

Ciidamada Booliiska Dalka Kenya, ayaa waxaa ay qabteen afar rag ah oo lasheegey in ay taba bar kusoo qaateen Dalka Soomaaliya, isla markaana ay kamid yihiin Ururka Alshabaab.

Raggaan laqab qabtey ayaa lasheegey in Booliisku ay ku dabajireen muddo, isla markaana ay yihiin rag haatanba damacsanaa in ay qaraxyo hor leh ka geeystaan Dalka Kenya.

Warkaan oo saxaafada ay ka heshey Taliye Xigeenka Biliiska ee Magaalada Mombasa ninka lagu magacaabo Robert Kitur, ayaa sheegey in raggaan ay muddo raadinayeen isla markaana ay dhibaato kuyihiin ammaanka dalka.

Ragga laqabtey ayaa lagu kala magacaabaa Adoti Wanjohi Waiganjo, Hamadi Ali, Oril Simiyu Maingi,kuwani  dhammaana waa rag u dhashey dalka Kenya.

Kenya ayaa la tacaaleeysa amni darro cirku isku shareertey oo muddooyinkaan ka soctey Gobolada Dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here