Kenya oo qaar kamid ah Ciidamadeeda kala baxaysa Soomaaliya

War kasoo baxay milatariga Kenya, ayaa lagu sheegay in hal guuto oo kamid ah Ciidamadooda, kuna sugan gudaha wadanka Soomaaliya, gaar ahaan dhanka Koofurta in laga saari doono todobaadyada soo socda.

Warkaan kasoo baxay Milatariga Kenya, ayaa lagu shegay in ku dhawaad 1,000 Askari laga saari doono gudaha dalka Soomaaliya, waxaana badalaya sida la sheegay Ciidamo ka socda doowlada Sierra leone, oo shalay soo gaaray Muqdisho.

Milatariga Kenya, ayaa shaaca ka qaaday in arintaan ay tahay heshiis is afgarad ah, oo dhexmaray doowlada Kenya iyo QM, kaas oo ay Ciidamada Kenya kaga baxayaan qaybo kamid ah koofurta Soomaaliya, islamarkaasna lagu badali doono Ciidamada ay soo dirtay doowlada sierra Leone.

Afhayeen u hadlay Milatariga Kenya, oo lagu magacaabo Aguna, ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in Ciidamo gaaraya 1,000 Askari kuna sugan gudaha Soomaaliya, laga soo saaro isbuucyada fooda inagu soo haya.

Kenya, ayaa Soomaaliya Ciidamo usoo dirtay bishii October 2011, iyagoona la dagaalamay Al-shabaab, kana qabsaday gobolo katirsan Koofurta Soomaaliya, gaar ahaan Jubooyinka iyo Gedo.

Laakiin Kenya, ayaa markii danbo ku biirtay howlgalka AMISOM, ee tabacsan midowga Afrika, ee lagula dagaalamayo Al-shabaab.

Sida lagu sheegay warka kasoo baxay Milatariga Kenya, Ciidamadan la doonayo in laga saaro qaar kamid ah Koofurta Soomaaliya, ayaa laguw adaa ineey weeraro ku qaadaan Fariisimo ay Al-shabaab ku leeyihiin qaybo kamid ah Jubooyinka, waxayna sidoo kale saraakiisha Ciidamada Kenya sheegeen ineey doonayaan xiligaan ineey dhamasytiraan howlgalkii ay Soomaaliya usoo galeen.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here