Kenya oo maxkamadeyneysa eedeeysanayaal lala xiriirinayo weerarkii Westgate

46074109.cachedMaxkamad ku taalla Nairobi waxaa shalay la soo taagay rag lala xiriirinayo inay Alshabaab u fududeeyeen Weerarkii bishii September 21-dii ee sannadkii 2013-kii lagu qaaday Dhismaha Ganacsiga ee Westgate Mall, laguna dilay ugu yaraan 67 qof.

Ragga Eedeysanayaasha ee la sheegay in shalay la soo taagay Maxkamadda waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohaed Abdi, Liban Omar, Xuseen Mustafa iyo nin magaciisa lagu soo koobay Aadan.

Markhaati la sheegay inuu muhim yahay kana tirsanaa Waaxda Dembi-baarista Boliska Kenya ayaa sheegay inay Eedeysanayaashaasi iyo Eedeysane 5-aad oo lagu magacaabo C/qaadir Maxamed u fududeeyeen Raggii ka tirsanaa Alshabaab inay fuliyaan Weerarkii Westgate, waa sida uu hadalka u dhigay.

Markhaatiga waxa kale oo uu Makaadda hor geeyey caddaymo muujinaya in Raggii Alshabaab weerarka geystay ka soo galeen Kenya dhinaca Degmadda Malabo ee Xuduudka Uganda.

Markhaatriga waxa kale oo uu soo bandhigay Telefoonadii ay ku wada hadleen Eedeysanayaasha iyo raggii Alshabaab ee weerarka fuliyey iyo Gaarigii ay ku soo galeen Dhismihii Ganacsiga ee Westgate Mall.

Si kastaba ha ahaatee Dhegeysiga Dacwadda loo haysto Eedeysanayaasha ayaa dib loo dhegeysan doonaan Bishan September 15-da.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here