Kenya oo maxkamad soo taagtay nin u dhashay dalka Switzerland oo loo heysto inuu ka tirsanyahay Al Shabab

Maxkamad ku taala dalka Kenya ayaa maanta dhageystay dacwad ka dhan ah nin u dhashay dalka Switzerland kaasi oo lagu soo oogay danbi ah inuu ka tirsanyahay ururka Al Shabaab.

Ninkan oo ka mid ah rag badan oo ajanabi ah maxkamad lagu soo taagay Kenya bilooyinki lasoo dhaafay iyadoo loo heysto danbiyo argagixiso ayaa lagu magacaabaa Magd Najjar.

Markiisi hore waxaa loo maleynayey inuu kasoo jeedo dalkam Sweden waxaana la qabtay bishi lasoo dhaafay, maxkamada maanta lasoo taagay oo ku taala magaalada Nairobi waxay ku soo oogtay dacwad ah inuu ka mid yahay dad danbiilayaal ah oo xubno ka ah Al Shabab.

Najjar waxa kale oo lagu eedeynayaa inuu si sharci darra ah kusoo galay dalka Kenya, ninkan oo la rumeysanyahay inuu ku jirto da,da 20-meeyada ayaanan wax hadal ah ka jeedin maxkamada inti ay dacwadu socotay.

Abuukaataha Mr. Najjar oo lagu magacaabo Edna Khaemba ayaa sheegtay in laga diiday damiin sidaasi daraadeedna ay maxkamadu dib u furmi doonto 2-da bisha July ee sanadkaan.

Dad badan oo ajnabi ah ayey haatan baadigoobayaan booliska Kenya kuwaasi oo lagu eedeynayo in ay lug ku leeyihiin qaraxyada iyo bambooyinka lagu qaadayo magaalooyinka dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.