Kenya oo marki ugu horeysay ka hadashay magac badalashada Al Shabab

Milatariga Kenya ayaa magac badalashada Shabab ku sifeeyey in ay dunida Muslimka taageero dhaqaale kaga raadinayaan.

Abaanduulaha ciidamada milatariga Kenya Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in magaca ay rabto in ay Al Shabab baxsato ee ah Imaarada Islaamiga Soomaaliya ay ku dooneyso in ay kaga raadsaro Carabta iyo dalalka Islaamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee kala laabtay kalsoonida sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab waxay rabtaa in magaca ay badalato si markaasi ay naxariis iyo taageero uga hesho Muslimiinta gudaha iyo dibada dibada,” sidaa waxa uu yiri Oguna oo saxaafada ku siiyey war kooban gudaha magaalada Nairobi.

Waxa kale oo uu sheegay in howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya oo galay todobaadki sideedaad ay ku carqaladeeyeen dhaqdhaqaaqa iyo istaraatiijiyadi Al Shabab.

Abaanduulaha ciidamada milatariga Kenya ayaa ku celiyey in ay wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabab isaga oo intaasi raaciyey in ay magaalooyinka qaar uga baari doonaan guri guri iyo albaab albaa canaasirta u dagaalanto Al Shabab.

Mar uu ka hadlayey howlgaladi ugu danbeeyey ee ay Al Shabab ku qaadeen iyaga iyo ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayuu sheegay in Isniinti lasoo dhaafay ay ku dileen 40 ka tirsan dagaalyahanada Al Shabab deegaanka Hayo oo u dhaxeeya magaalooyinka Kismayo iyo Afmadow.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale lagu dilay 11 ka mid ah ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com