Kenya oo ku dishay deegaanka Laamu dagaalhano ka tirsan Al Shabab

Saraakiisha amaanka Kenya ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen maleeshiyo hubeysan oo kasoo talaabay xadka Somalia iyo Kenya ay ku dileen deegaanka xeebta ee Lamu.

Howlgal ay iska kaashadeen ciidamada Milatariga iyo kuwa booliska howdka Boni ayey ku weerareen todobo nin oo aad u hubeesnaa kuwaasi oo ay booliska sheegeen in ay dhawaan kasoo gudbeen xadka isku xira Kenya iyo Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada deegaanka Xeebta Samuel Kilele ayaa sheegay in ay ka heleen ragaasi 3 qori oo AK-47 iyo hub kadib marki ay dagaal la galeen,  taasi oo uu ku tilmaamay shaqo wanaagsan oo ay ciidamadu qabteen sida uu ku faanay.

Waxa uu intaasi raaciyey in ay baxsadeen afar kale oo la socotay kuwaas oo cararay iyaga oo qaba dhaawacyo isla markaana ay ciidamada booliska wali ku daba jiraan si ay usoo xiraan.

Booliska ayaa rumeysan in maleeshiyadan ay diyaarinayeen weerar culus oo ay ku qaadaan dalka Kenya si ay u fuliyaan falal argagixso leh sida ay warka u dhigeen.

Howlgalkaasi ayaa imaanaya maalmo yar kadib marki ay ciidamada booliska ka xireen deegaankaasi sadex nin oo u dhashay dalka Tanzania kuwaasi oo ay uga shakisanyihiin in ka tirsanaayeen Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here