Kenya oo ka jawaabtay Eedeynta madaxweyne Xasan Shiikh Dhageyso

Afhayeenka ciidamada Kenya Sam Bogeta Ongeri , ayaa beeniyay in Ciidamadooda ku sugan gudaha magaalada Kismaayo ay si qaldan u dhaqmeen, waxaana uu sheegay in Cidiankoodu hoos yimaadaan dalada AMISOM , islamarkasnaay sugeen amniga madaxda doowlada ee Timaada Kismaayo ee uu kujiray Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, markii ay Kismaayo tageen Bishii March.

Isagoo ka hadlaayay in ciidankooda ay diideen ineey ilaalo siiyaan Ergada doowlada ee dhawaan tagtay Kismaayana, waxa uu yiri.

“…Majirto wax keenaya in Ciidamada difaca Kenya ay u dhaqmaan waxa lagu tilmaamay, sababtoo ah howlnaloo idmaday ayaa jirta, taasoo ah mid cad laga bilaabo taliska sare ilaa Ciidamada furinta jooga…”.

Mr Ongeri mar uu ka jawaabaayay ineey ilaalo u fidin waayeen wafdi kasocda doowlada, waxa uu sheegay ineeysan ku guul dareysan in saraakiisha ka’imaaneyso Muqdisho ay ilaaliyaan, wuxuuna Yiri.

“…Taasi waa arin layaab igu ah, qeybtii ugu horeysay saraakiisha laga diray Muqdisho, oo 28kii markii ay Kismaayo yimadeen, xeradeena Kismaayo ayay nala joogeen, waxay seexdeen Xerada Milatariga ee Kenya”

Sidoo kale waxa uu Ongeri Yiri “Qaybtii 2aad ee wafdiga oo 15 qof ka kooban iyaguna markii ay soo gaareen Kismaayo, waxaa galbiyay taliyaha qaybta oo Hoteelka geeyay, sidaasi daraadeed mafahansani dhibka jira”

Bogeta Ongeri ayaa intaas ku daray in xitaa Ra’iisul wasaare Saacid markii Kismaayo yimid dhamaadkii March, ay Ciidanka Kenya amnigiisa sugeen, wuxuu beeniyay in marnaba aysan saraakiisha doowlada u diideen ineey magaalada galaan.

Waxa uu sidoo kale Bogeta Ongeri sheegay in markii ay jiraan xaalado amni, ay wargaliyaan taliska AMISOM ee Muqdisho, waxaana uu sheegay ineeysan dooneen in dhiig uu daato.

“Waxaan dooneeynaa Nabad ineey timaado, madhici karto in askari katirsan Ciidamada Kenya uu ku lug yeesho arimaha siyaasada, waxay ku taaganyihiin xilkooda oo ah amni iyo in nabada Kismaayo iyo meeshii laga howlgaliyo oo ay tagayaan” ayuu yiri Bogeta Ongeri

Ciidamada Kenya ayaa sanadkii 2011 kusoo galay gudaha dalka Soomaaliya, barnaamij loogu magac daray (Badbaadi qarankaaga) oo ay ku sheegeen ineey bacsanayaan Al-shabaab, laakiin markii ay Kismaayo soo gaareen gashtay magaca shaatiga AMISOM, waxaana dhowr ay magaalada Kismaayo u diideen ineey gudaha u galaan wafdi kasocday doowlada Federaalka Soomaaliya, iyo oday dhaqameedyo.

Dhageyso qaabkii uu uga jawaabay Afhayeenka ciidamada Kenya

[powerpress: url=”https://midnimo.comm/wp-content/uploads/2013/05/SamBogeta.mp3″]

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here