Kenya oo ka hadashay Diyaarad uga soo dhacday Kismaayo

breakingWar goor dhaw kasoo baxay Wasaarada Difaaca Dalka Kenya ayey kaga hadashay Diyaarad ay leedahay oo ku dhacday meel ku dhaw magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay Wasaarada Difaaca Dalka Kenya Korneel David Obonyo ayaa sheegay in cilad farsamo awgeed ay diyaaradaasi usoo dhacday wax khasaaro ahna uusan ka dhalan.

Shilkaan ayaa dhacay abaare 3:15 daqiiqo galabta sida ay wasaarada Difaaca Kenya sheegtay waxaana ay duqeyn ka fulin rabtay Degmada Jamaame Koonfur Somaliya.

1 COMMENT

  1. Kenya uma baahna iney duqeyn ka geysato Soomaliya, balse kenya waxay u baahan tahay iney tix geliso xornimadda Hawadda Dalka. sababtoo ah Dalka somailya waa ka madax banaan yahay dalka kenya.

    Soomaalida-ha ka tanaasulaan Qilaafka dhexdooda ah, dagaal diimeedka, iyo arinkasta oo horseedi karta ama u soo jiidi kara in dalka uu galo marxalad faragelis. ama Dowladda kale ay si mar marsiyo ah ku soo talaabto Xuduudaha wadanka, waxyeelana gaarsiiso Muwaadin Soomali ah. Waxaan Filayaa inaan ognahay ineysan jirin wax faa’ido ah ugu jirin Soomalia.

    Kuwa dhibka wado- kuwwaasi waxaan leenahay fadlan si deg deg ah ku joojiya colaada aad ka hurineysaan gobolka. kana tanaasula qilaafka aad ka abuureysaan Gobolka. Sababtoo ah dhib aad idinku geysateen ayaa waxa uu sababaya in Dad aan wax galabsan, joogo guryahooda, dhib la gaarsiiyo ama ay ku naf iyo maal beelaan dhibaato aad idinku abuurteen..

    Kenya waxaa haboon iney tixgeliso Derisnimadda, kuna ekaato Xuduudaheeda.

    Soomalida; sidoo kale waa iney ka shaqeyaan dejinta colaaddaha aan loo baahneyn ee soo noq noqonaya. taasi oo an 2da dal iyo dadba fa’ido ugu jirin.

    kenya- hakala baxdo ciidamadeeda ka joogo Soomaliya.
    Somaliya- ha geysato ciidankeeda xuduuda kenya.

    kenya- dhulka uu guumeystaha ku warejiyey ee ( NFD ) furadii ay heysatey ee ku saaabsanaa in dadka goboladaasi degan ama ku nool si fiican ula dhaqanto. waxay ku dhaqdey NIDAAM ay ka dhaxashey isticmaarkii ku wareejiyey dhulkaasi oo balaciisa dhan yahay jasiiradda ingriiska. dhulka ay kenya ka heysato soomalia waxa uu cadad ahaan la eg yahay 33% dhulka kenya.

    Maadama dhulka Soomalida kenya yahay 33% dhulka Kenya. dadka degana ay yihiin dhamaan Qabaailadda Soomalida haba lagu yara tiro badnaadee. waxaa loo baahnaa in kenya u madax baneyso ismaamulkooda Gobol ahaan.si markaasi ay u helaan dadka dega gbolada (NFD) madax banaani buuxdo. taasi badalkeeda waxay kenay sameysay in goobaha booliska,cadaalada iyo maxkamadahaba geysay dad ka yimid goboladda gale ( kukuuyadda ). kuukuuyadda mabda ay ku shaqeynsyana waa isticmar oo ah qeybi oo xukun. taaasi waxay dhaxal siisay Goboladda Soomalida ee kenya iney heli waayahaan Amni buuxo oo la isku haleyn karo, xasilooni joogta, barakac, iyo nabaad guur baaxad leh.

    Dhinac kasta oo aad fiiriso way ku litaan, dhanka waxbarashada,cf.imaadka,nabadgelyadda iwm. waxaana ugu wacan siyaasdda ay ka dhaxashey isticmaarka ayay waqtiigaasi oo dhan kula dhaqmeysay Goboladda ay soomalida degto.

    Kenya waxaa laga doonaya iney tixgeliso siisana madax banaani buuxdo Goboladda Soomalida ( NFD) si markaasi ay u fududaato in dadka dega gobolkaasi ay la jaan qadaan goboladaa kale ee keenya ama Soomaliya ka tirsan.

    Isku soo wada duub- gobolka geeska africa waxaa la joogaa waqtigii uu ku hamin lahaa horumar, wada noolaasho iyo is dhex gal ku dhisan wax wada qabsi.

    qofka soomaliga waa inuu ku fekeraa inuu sidoo kale dego gobolka NFD- oo ah dulka Soomalida kenya. si markaasi loo caawiyo umadda degan Gobolkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here