Kenya oo Isniinta isku diyaarineysa doorasho.

Dalka Kenya berri oo Isniin ah waxaa ka dhaceysa doorashada madaxtinimada oo ay u taagan yihiin illaa siddeed musharrax oo ay ku jirto haweeney.

Guddiga doorashadda dalka Kenya wuxuu sheegayaa in ka badan 13,000 oo qof in aysan ka qaybgali doonin codeenta doorashadda madaxtinimada dalka Kenya.

Sababta ayaa lagu sheegay iyagoo aan heesan warqadaha lagu codeeyo amaba aysan isdiiwangalin.

Guddiga wuxuu sheegayaa in illaa hadda la diiwangaliyay 14, 352,545 qof kuwaasoo ay ku jiraan 2,637 qof oo ku sugan waddamada Uganda, Tanzania, Rwanda and Burundi.

Dhinaca kale waxaa laga cabsi qabaan in doorashada berri ka dhaceysa dalka Kenya la mid noqoto tii sannadkii 2007-da.

BBC-da ayaa qortay in dad badan ay billaabeen in ay ka cararaan magaalooyinka oo ay ku jirto caasimada Nairobi.

QM ayaa warisay in khalalaasihii ka dhacay Kenya lix sanno ka hor ay ku dhinteen 1,500 oo qof tira kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale hey’addaha xuquuqda aadanaha ayaa sheegaya in ay dhaceen intii ay socdeen rabshadaha tacadiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin Kufsi, weerraro iyo ku xadgudub dhinaca jinsiga gaar ahaan dumarka.

Dumar badan ayaa lagula kacay kufsi waxaana qaarkood ku dhacay cudurka dilaaga ee ah ee HIV”

Alice Mutuma waxa ay madax u tahay hey’ad u olaleysa in dumarka laga daayo tacadiyada.

Waxa ay sheegtay in dumar badan ay diiwangaliyeen kuwaasoo qaarkood ku dhacay HIV, kaddib markii la kufsaday.

Waxa ay tiri haweeney ayaa noo sheegtay in seddax rag ah kufsadeen, xilligaas oo uu guriga ka maqnaa aabaha reerka, dhowr maalin kaddbib guriga kama soo bixin, waxaana markii ay dariska ogaadeen ku wargaliyeen qoyskeeda in la kufsaday.

Hooyadeed iyo Walaasheed ayaa ku booqday Isbitaalka Kenyatta National Hospital ee ku yaalla Nairobi.

Isbitaalkan waxaa xilligaas si gaar ah loogu dawenaayay dhinabaayaal ku wax yeeloobay khalalaasaha ka jira Kenya

Muddo bil ah ayey halkaas ku jirtay, laakin markii laga soo saaray Isbitaalak waxaa lagu soo celiyay deeganka .Kibera oo u dhow magaalada  labo bil kaddib ayey waalidkeeda soo aragtay.

Waxa ay lahayd goob ganacsi xilligaas , waxa ay u shaqeesaneysa qof awood leh, laakin maanta waxa ay dhaqdaa dharka oo ay ku noolyihiin iyada iyo qoyskeeda.

Hey’adda u doodda xuquuqda dumarka ee dalka Kenya oo loo soo gaabiyo COVAW, waxa ay qiyaastay in ka badan 3,000 oo tacadiyo in ay ka dhaceen dalka Kenya tan iyo sannadkii 2007-da

Madaweyne Mwai Kibaki oo hadda xilka ka dagaya wuxuu kula dar-daarmay dadka reer Kenya in ay ka fogaadaan wax kasta oo khas iyo jahwareer galin kara dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here