Kenya oo is laheysiisay Kismaayo

Kenya oo is laheysiisay Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo u sacaba tumaayo!!!

Inkastoo howlgalka ciidamada Kenya ay u joogaan Soomaaliya ay qayb ka yihiin howlgalka AMISOM ayaa hadana waxaa jira sida la rumaysanyahay dana gaar ah oo ay Dowlada Kenya ka leedahay Kheyraadka Soomaaliya

Xili Xukuumadda Somalia ay rajeyneysay in Magaaladda Kismaayo ay Maamul awood Qaran leh ka hirgaliso ayaa waxaa arintaasi is hortaagay Xukuumadda Kenya oo iyadu Quudaneysa Kheyraadka badda Kismaayo, waxa ayna amar ku bixisay in Maleeshiyadda Axmed Madoobe ee Raaskambooni ay sugaan amaanka Garoonka Kismaayo si looga badbaado Wafdigii ka socday Xukuumadda Somalia iyo AMISOM oo iyagu loo xilsaaray in Horjooge Axmed Madoobe ay kala hadlaan Siyaasadda Maamul u sameynta Kismaayo hayeeshe waxaa arintaasi is hortaagay Maleeshiyada Raaskambooni ee ka howlgashay Garoonka macmalka ee Kismaayo waxaana laad lagu dhuftay Wafdigii Xukuumadda iyo AMISOM

Muran weyn ayaa ka dhashay markii sargaal ka tirsan Ciidamada Kenya uu hor istaagay wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya isla markaana uu ku wargaliyay in aysan u gudbi Karin gudaha Magaalada Kismaayo kana soo celiyay garoonka diyaaradaha ee Magaaladaasi.

Iyadoo aysan arintaasi wali ka hadlin Dowlada Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa waxaa ka hadlay wasiir ka tirsan Dowlada Kenya, waxaana arinkaasi si aad ah uga xumaaday Baarlamaanka Somalia oo ku tilmaamay hadalkaasi in Somalia ay dib u gashay Gumeysi dadban

Si kastaba ha ahaatee Dansa Muwansa oo ah wasiirka dalxiiska oo la hadlay BBC ayaa wuxuu sheegay in loo baahnaa wafdi ka socday Dowlada ee Magaalada Kismaayo laga celiyay in ay soo wargaliyaan in ay magaaladaasi ku soo aadanyihiin si buu yiri ay ugu diyaar garoobaan imaatinkooda hayeeshe hadalka Dansa ayaa ku hingoobay Madaxda sar sare ee xukuumadda Somalia

Su’aasha xiligaan lays waydiinayo ayaa waxay tahay dowlada Soomaaliya waxa fasax ay u qaadanayso Gobal ka mid ah Soomaaliya, mise ka hadli karaa arintaan wasiir ka tirsan Kenya????
Siyaasiyiinta Somalia ayaa arintaasi ku tilmaamay mid nasiib darro ah islamarkaana sheegay in arrinta somalia uusan kahadli karin Wasiir katirsan Dowlada Kenya

Si kastaba ha ahaatee Siyaasiyiinta indha indheysa Siyaasadda Xukuumadda iyo AMISOM ayaa iyagu aaminsan in xukuumadda Kenya ay arintaasi ku xumeyneyso Saraakiisha iyo xukuumadda Ugandha oo iyadu Laba bilood kahor iska fogeeyay Duqeymaha isugu jiray badda iyo bariga oo ay kismaayo ka geysanaayen Ciidamada Kenya waxaana arintaasi ka hadlay Afhayeenka Ciidamada AMISOM Cali Aadan Xaamud oo sheegay xiligaasi in Duqeymaha Kismaayo ay kawado Xukuumadda Kenya aysan masuul ka ahayn AMUSOM

Xukuumadda Kenya ayaa iyadu naas-nuujineyso Maleeshiyo beeled oo iminka gacanta ku dhigtay Gabi ahaan Magaaladda Kismaayo oo horay ay uga talin jireen Kooxda xagjirka ee Al-Shabaab balse Kismaayo ayaa qeyb ka noqoneyso Gobolada Kenya maadama Kenya ay fara galin ku hayso Siyaasada Somalia, waxa ayna ku xisaabtameysaa Kenya inay dhaqaale ka dhaliso dhoofinta dhuxusha iyo Kheyraadka Badda Kismaayo oo aan cidna u maqneyn

Hoggaamiyaha Maleeshiyada Raaskambooni waxa uu isku dhiibay Dowladda Kenya waxa uuna qalinka ku duugay in Magaalada Kismaayo uu ka dhigo doono Dhul katirsan dhulalka Kenya isaga oona wadaniyadiisa ku badashay inuu u shaqeeyo Dowladda madow, waxaana meesha ka baxay awooda Xukuumadda Somalia dadkuna waxa ay is weydiinaayan sababa ka danbeysay in Wafdiga dowladda laga celiyo gobol Somalia katirsan islamarkaana hoos taga xukuumadda Somalia

Ugu dambeyntii Wasiirka wasaaradda Gaashandhiga Kenya Yuusuf Xaaji oo ay isku heebyihiin Hogaamiye kooxeedka Raaskambooni ayaa la sheegaya inuu isaga ka dambeeyay in Axmed Madoobe uu kismaayo ku qabsado hab qabiil la qarameeyay waxaana arinkaasi ku hingoobay Qabaa’ilada kunool magaalada Kismaayo oo mar qurah xuriyadooda waayay

W/Q. Wariye: Anwar Bakhiit
Magaaladda Jabouti
Email: wararka@live.se

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here