Kenya oo gacanta ku dhigtay Sargaal Shabaab ah oo Dawlada heysay

Maalmo ka hor waxa gacanta dawlada Somaliya soo galay Kuxigeenkii Hogaamiyihii Al Shabaab Axmed Godane oo lagu magacaabo Zakariye Cusmaaciil Xersi xilli uu kusugnaa Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo.

Dawlada Soomaaliya ayaa waxay maanta ku rajo weyneyd in Muqdisho loo soo qaado Zakariye Cusmaaciil taaso lagu waday in Saxaafada loo soo bandhigo.

Warar barqanimadii soo baxay ayaa waxay sheegeen in Zakariye Cusmaaciil oo ahaa Madaxii Amniyaatka Ururka Al Shabaab ay la wareegtay Dawlada Kenya.

Saraakiisha Ciidanka Dawlada Soomaaliya ee kusugan Gobolka Gedo ayaa qaarkood xaqiijiyey in Zakariye Cusmaaciil Xersi uu ugacan galay Dawlada Kenya ayna kaxeysteen.

Weli Dawlada Somaliya wax war ah kama soo saarin arintaan cusub ee kusaabsan Sargaalkaasi Shabaab xubinta sare u ahaa ee dhawaan ay gacanta kusoo dhigeen maantana la sheegay in Kenya ay wadatay.

Wixii kasoo kordho warkaan dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here