Kenya oo dhiseysa Xabsi u gaar ah Argagixisada

Kenya oo xabsi u dhiseysa argagixisada
Kenya oo xabsi u dhiseysa argagixisada

Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa shalay sheegay in Kenya ay dhiseyso Xabsi gaar ah oo lagu xiri doono maxaabiista ururka Al-Shabaab ee Somalia iyo kuwa kooxaha xag jirka ah ee gacan ka hadalka ka geysta Kenya.

Kenyatta waxa uu sheegay in talaabadan ay kaga hortagayaan in maxaabiista xag jirka ah ay fikradohooda ku dhex faafiyaan maxaabiista kale ee xabsiyada ku jira.

Madaxweynaha Kenya, waxa kale oo uu sheegay in xabsigan uu yahay mid ku habboon dadka lala xiririnayo xagjirnimada, islamarkaana lagu dhaqan celin karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here