Kenya oo Ciidamo farabadan soo dhoobtay Xuduudka Soomaaliya

Taliye katirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa wakaalada wararka Reuters u sheegay, in doowlada Kenya ay Ciidamo farabadan soo dhoobtay sohdinta ay la wadaagto Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay ineey arkayeen, Ciidamo Boolis ah iyo kuwa amaanka oo lasoo dhoobay Xuduudka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Koox hubeysan oo ay Ciidamada Kenya ku sheegeen ineey yihiin Al-shabaab, ayaa shalay weerar kuq aaday saldhigyo ay Ciidamada Booliska Kenya ku lahaayeen xuduudka ay Kenya la wadaagto Soomaaliya, waxaana halkaas lagu dhawacay taliyihii Booliska Liboyo, halka 3 qof oo rayid ahna lagu dilay.

Taliyaha Booliska ee gobolkaas ayaa waxa uu shegay in tiro badan oo Ciidamada Booliska iyo kuwa amaanka xiligaan ay soo dhoobeen Soohdinta, si loo adkeeyo amaanka.

Dadka deegaanka oo ay lahadashay wakaalda wararka ee Reuters, ayaa sheegay ineey arkayeen Ciidamo farabadan oo lasoo dhoobayo Sohdinta Kenya ay la wadaagto Soomaaliya.

Kenya ayaa markii ay ciidamadeeda usoo dirtay gudaha dalka Soomaaliya bartamihii 2011, waxa ay la kulmeeysaa qal qal dhanka amaanka ah, oo ay masuuliyadeeda sheeganayaan dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo dagaal kula jira Ciidamada doowlada Soomaaliya iyo AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here