Kenya oo cayintay ciidanka ay ku biirineyso AMISOM

Dowlada Kenya ayaa sheegtay in 4,600 oo askari ay ku dari doonto ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sarkaal sare oo ka tirsan Milatariga  Kenya oo lagu magacaabo General Julius Karangi ayaa sheegay ciidankooda ay halkooda kasii amba qaadi doonaan howlgalada ay ka wadaan magaalooyinka u dhaw xadka labada dal.

Kenya ayaa ciidamo u dirtay Soomaaliya kuwaasi oo kasoo talaabay xadka Soomaaliya bishi October 2011, iyaga oo tan iyo markaasina gaari la, magaalada Kismaayo oo ahaa bartilmaameedkooda koowaad.

Karangi ayaa sidoo kale sheegay in la sameyn doono Gole Milatari oo ka kooban 85 xubnood, kuwaasi oo ka kala imaan doona dalalka Kenya, Uganda, Djibouti, Burundi waxaana xaruntoodu ay noqon doontaa Mogadishu.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale sheegay in aysan wali ku arkin xeebaha Soomaaliya ee u dhaw Kenya burcad badeed tan iyo marki ay halkaasi tageen, isaga oo ku faanay in ay ka abuureen meelaha ay qabsadeen jawi nabadeed.

Dhawaan ayaa Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ansixiyey in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM, iyaga oo ka dhigay 17,731 askari, halka ay awal ka ahaayeen 12,000.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.