Kenya oo Al-shabaab ku eedeeysay weeraradii Garrisa

Doowlada Kenya ayaa dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ku eedeeysay masuuliyada dad habeen kahor lagu laayay magaalada Garrisa.

Booliska Kenya, ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday Hotel ku yaala magaalada Garrisa oo dhaca goob u dhow Sohdinta Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan, ay ka danbeeyeen dagaalamayaal katirsan Al-shabaab, oo Soomaaliya ka dagaalama.

Shabakada lagu magacaabo ABC NEWS, ee laga leeyahay Mareeykanka oo soo xiganeysa taliyaha boliska wadanka Kenya, ayaa sheegay in qof cabsanaya uu geystay weerarkaas Hotelka lagu qaaday, waxaana uu tilmaamay in ay dhici karto inuu yahay qof taageersan Al-shabaab.

Taliyahaan lagu magacaabo Fitales Okomo, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in weerarka nuucaas oo kale ah uu rasmi ahaan yahay mid xiriir la leh Al-shabaab, waxaana dhinaca kale uu sheegay in sababta uu kuyimid uu yahay howlgalka Milatariga Ciidamada Kenya ay ujoogaan gudaha dalka Soomaaliya, si ay meesha uga saaraan Al-shabaab.

Weerarkii lagu qaaday Hotelka ku yaala magaalada Garrisa, ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 9 ruux.

Dalka Kenya ayaa ah dal aad ugu nugul weerarada ay ku qaadaan Al-shabaab, iyadoona goortii ay doonaan ay ka weerar tagaan, gaar ahaan Caasimada wadankaas ee Nairobi, oo bilihii weeraro is daba joog ah iyo qaraxyo ay ka dhacayeen.

Sidoo kale weerarada Al-shabaab ee dalka Kenya, ayaa gaaray heer ay u hanjabaan ilaa iyo wasiirka Gaashaandhiga dalkaas.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here