Kenya oo 100 Shabaab ku dishay Jubbada Hoose

  Kenya oo 100 Shabaab ku dishay Jubbada Hoose
Kenya oo 100 Shabaab ku dishay Jubbada Hoose

Dowladda Kenya ayaa sheegtay maanta oo Isniin ah in duqeyn ka dhacday deeganno ku yaalla gobalka Jubbada Hoose ay ku dishay ku dhawaad 100 dagaallamayaasha Shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay deegannada Kudhaa iyo Caanoole ay ku dileen 100 Shabaab.

Dagaalka ayaa billowday markii dagaal yahano Shabaab ah ay waddada u galeen kolanyo ay la socdeen ciidamada Kenya ee qeybta ah kuwa AMISOM kuwaasoo marayay deeganka Caanoole oo 130km u jirra dhinaca koonfur gableed magaalada Kismaayo.

Dadka deeganka ayaa sheegay in dagaalka ay ku biireen diyaaradaha qumaatiga u kaca waxaana la arkayay iyagoo bambooyin ku tuuraya goobaha Shabaabka ay ka soo duuleen.

Dhinaca kale, afhayeenka dhinaca howgallada Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in dagaalka ka dhacay Kudhaa iyo Caanoole ay ku dileen ciidamo badan oo ah AMISOM balse tiro sax ah ma sheegin.

Marka laga soot ago hadallada ka soo kala baxay AMISOM iyo Al-Shabaab, waxaa kaloo dagaallada ka hadlay ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika iyo AMISOM ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Annadiif.

Xog badan lagama hayo khasaaraha ka dhashay dagaallada ka dhacay Kudhaa, waayo goobaha lagu dagaallamayo ayaa ah goobo howd ah waxaana yer in la helo dad madax bannaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here