Kenya: Libaax cunay Gabar 10 sano jir ah

Kenya-Animals-Lion-1920x1200Weerarka ayaa la sheegay inuu dhacay abaarahii sagaal saac oo habeenimo markii uu docda aqal hooriga kala baxay libaax gabadha oo lagu magacaabo Winnie Makupe oo garab huruday xubnaha kale ee qoyska.”Waxaana lagu soo kacay qaylo ka dib markii libaaxa dhuumaaleysanaya uu docda ka dafay gabadha ka dibna ula cararay dhanka duurka,” sida uu sheegay gabadha awoowged Katana Karisa.

Mr Karisa ayaa sheegay in ay dadaaleen si ay u badbaadiyaan gabdaha balse laga ridi waayay libaaxa gaajaysan oo iyaga eryanaya markii ay usoo dhawaadaan goobta uu ku haystay gabadha.

“Deriska, oo maqlay qaylada, ayaa uso gurmaday iyago ku hubaysan baangado, qaansooyin iyo fallaadhaha,” ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in “markaasi , libaaxa uu mar hore ku libdhay oo galay duurka iyadoo qayladii gabadhana sidoo kale yaraatay.”

saraakiisha Adeegga Duur-joogta Kenya Police oo uso gurmaday raadinta gabadha in ay helaan iyada oo nool balse raja belay marki la arkay haraaga meedka gabadha oo uu libaaxa aad u cunay meel dhawr kilometer u jirta cida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here