Kenya oo lagu xukumay nin Al Shabaab xiriir la leh

MAXKAMAD-620x330Nin lagu helay dambi la xiriira in uu ka tirsan yahay kooxda Al-Shabaab ayaa 21 sano oo xarig ah ay ku xukuntay maxkamadda magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Salim Chagawa Karisa oo loo yaqaan Ciisa ayaa lagu xiray sanadkii hore howlgal ay ciidanka la dagaallanka argagaxisada ay ku qabqabteen dhallinayo ka soo laabtay Soomaaliya kuwaasoo tababar ay siisay kooxda Al-Shabaab.

Ciisa ayaa lagu helay dembi la xiriira in uu qorsheynayay weerarro argagixiso oo laga fuliyo magalooyinka Mombasa iyo Nairobi.

Waxaa kaloo la sheegay in xilligii la qabtay lagu helay bastoolad.

Ciisa ayaa dambiyada xukunkiisa loo adeegsday ka mid ah in uu aaday Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2010 iyo 2012 isagoo tababar sare ay soo siisay kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here