Kenya iyo Soomaaliya oo QM ugu baaqay in Ciidamada AMISOM waqtiga loo kordhiyo

Doowladaha Kenya iyo Soomaaliya, ayaa golaha amaanka ugu baaqay in mudada loo kordhiyo Ciidamada midowga Afrika ee hada nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya, Xasan Shiikh iyo Kibaki, ayaa sidoo kale QM ka dalbaday in awoodo dheeraad ah laasiiyo Ciidamada AMISOM si ay usii wadaan dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo iyagu qayb ka ah ururka Al-qaacida.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh maxamuud, iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa shalay oo jimco aheed waxay gaareen magaalada Nairobi, booqashada madaxweynaha ayaa qaadan doonta mudo laba maalmood ah.

Labada masuul ayaa si wada jir ah mar ay shir jaraa’id uqabteen waxay sheegeen, in Ciidamada AMISOM ee hada ku sugan gudaha Soomaaliya ay qayb wayn ka qaateen nabad kusoo dabaalida dalka, sidoo kalena lasii wadi doono dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Golaha amaanka ayaa bishii November 2-deeda waxay mudada u kordhiyeen Ciidamada AMISOM, waxayna ugu dareen mudo 4 bilood ah, taasoo micnaheedu yahay in Bisha Marso ee sanadkaan soo socda ay Ciidamada AMISOM isaga baxayaan Soomaaliya, laakiinw axaa isa soo taraya baaqyada ku aadan in mudada loo sii kordhiyo maadaama dalka Soomaaliya qaybo badan oo kamid ah ay wali kataliyaan kooxda Shabaab iyo maleeshiyo dowlad diid ah.

Sidoo kale madaxweynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxay golaha amaanka ka dalbadeen in Cuna qabateenta hubka laga qaado Soomaaliya, iyo in lasii dar dargaliyo Xayiraada saran dhoofinta Dhuxusha.

Tirada Ciidamada midowga Afrika ee hada ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa waxay gaarayaan 17,600, kuwaasoo doowlada Soomaaliya gacan kasiiya ladagaalanka Al-shabaab.

Shir jaraa’id ay shalay si wada jir ah uqabteen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya kadib kulanq aatay Saacad iyo bar, ayaa lagu sheegay in 10 qodob ay isla af garteen labada masuul.

“Kulanka labada masuul ayaa xooga lagu saaray kahadalka arimaha Ciidamada midowga Afrika iyo doorkooda ku aadan la dagaalanka Al-shabaab” sidaa waxaa lagu yiri war saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Wasiirka arimaha Dibadda Kenya Sam ongeri.

Kibaki, ayaa warbaahinta Jimcihii Nairobi ugu sheegay in Kenya ay siiw adi doonto Tageerada Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya ee uu shalay ku gaaray Nairobi ayaa noqoneeysa tii ugu horeesay tan iyo markii loo doortay Xilkaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here