Kenya & Itoobiya oo diyaar u ah ineey AMISOM ku wareejiyaan Diyaarado dagaal

2016219635914612187957690AMMMSISOMDoowladaha Kenya iyo Itoobiya, ayaa diyaar u ah ineey AMISOM ku wareejiyaan Diyaaradaha Dagaalka Helicopters-ka, si ay uga qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Qorshaha ay wadaan labadaan Doowladood, ayaa hada horyaala gudiga amaanka Midowga Afrika, kuwaasoo dood ka yeelan doona.

Kenya iyo Itoobiya ayaa hadaba adeegsada diyaarado Dagaal, iyagoo aan wax fasax ah ka haysan Golaha amaanka iyo Midowga Afrika.

Sidoo kale Kenya iyo Itoobiya, ayaa ku doodaya in Diyaaradaha dagaal ay ciidamadooda ka saacidi doonaan, marka ay dhibaato xoogan kasoo wajahdo dhanka Al-shabaab.

Sidoo kale qorshahan ayaa waxaa qeyb ka ah doowladaha ay Ciidamadooda ka joogaan Soomaaliya, sida Uganda oo iyadu horay 4 Diyaaradood ay Soomaaliya usoo dirtay 3 kamid ah ay ku bur bureen Buuraha Kenya sanadkii 2012.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here