Kenya ciidankeeda kalama soo baxayso Soomaaliya sidaas waxaa yiri Ruto

Kenya ciidankeeda kalama soo baxayno Soomaaliya sidaas waxaa yiri Ruto
Kenya ciidankeeda kalama soo baxayno Soomaaliya sidaas waxaa yiri Ruto

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto oo shaley shir jaraa’id ku qabtyay Nairobi ayaa shegeay in ciidanka ka jooga Soomaaliya aysan la soo bixi doonin.

Wuxuu kaloo sheegay inaysan u ogolaan doonin kooxaha argagaxisada rabitaankooda ah inay dowladda Kenya is-beddel ku sameyso siyaasaddeeda gudaha iyo tan dibadda.

Wuxuu sheegay inay ciidanka Kenya sii joogi doonaan dhulka Soomaaliya tan iyo inta Soomaaliya ay ka yeelaneyso dowlad awood leh oo xor ka ah argagaxisada.

Wuxuu intaas raaciyay in muddadii ciidanka Kenya ay joogeen Soomaaliya ay gaareen guulo waa-weyn oo ay ka mid yihiin xasilinta qeybo ka tirsan Soomaaliya iyo wiiqidda awoodda kooxda Al-Shabaab.

William Ruto ayaa sheegay in soo saarista ciidankooda ku sugan Soomaaliya ay fursad u siin doonto kooxda Al-Shabaab inay dib isu soo abaabusho, kaddibna halis midda hadda jirta ka weyn ay ku yeelato Kenya iyo gobolka.

Hadalka madaxweyne ku xigeenka Kenya ayaa imaanaya iyadoo xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Kenya uu dowladda ugu baaqay in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaaliya, maadama dad badan ay u dhinteen howgalka ka ay ka wadaan Soomaaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here