Kenya: “Ciidamadeena kalama baxayno Soomaaliya”

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo
Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay sii joogi doonaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay inaysan ciidamadooda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta lagu guuleysanayo soo celinta nabadda iyo xasilloonida.

Waxay sheegtay in sanadka 2014 uu yahay kii lagu soo afjarayay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Inkastoo aysan sheegin tirada haddana waxay caddeysay inay Kenya kordhin doonto tirada askarteeda ka howlgalaya Soomaaliya iyadoo ka jawaabeysa codsi ka yimid AMISOM.

Raychelle Omamo ayaa sidoo kale xustay in aan la joogin markii laga wadahadli lahaa in ciidamada Kenya laga soo saaro Soomaaliya, balse taas beddelkeeda loo baahan yahay in la dardargeliyo howlgallada milateri ee ka dhanka ah argagixisada.

Kenya ayaa ciidamadeeda u dirtay Soomaaliya sanadkii 2011, si ay uga hortagto kooxo ay ku tilmaantay argagixiso oo halis ku hayay ammaankeeda.

1 COMMENT

  1. Hadii ay daacadka yihiin oo aysan la safan qabiil aan degin kismaayo uu maamulo madaxddii soomaliya sheeko been ah loo sheego macnaha waa in aysan soomaliya yeelan dowlad awood leh marba qabiil ay la saftaan kuukayda runta weli ma arag sheekada maahn waan sii joogeynaa waa in ay u hogaansamaan shuruucda iyo ixtiraamka iyo qaranimada soomaliya dhul soomali leedahay in aysan xoog ku qaadan shidaal soomaliya in dhulka soomaliya waxaa u jooga rag wadaniyiin ah riyada beenta ah yesan isku maaweelin waxaa la joogaa qarnigii 21 tanaad aqoonta iyo cilmigaa horeymarey soomali way soo aragtey siyaasda qeybi oo xukun nabad nabad waxay ku jirtaaa in ay dhexdhaxaad ka noqoto arimaha soomaliya xabashi oo ciidan ahaan ka xoogbadan ayaa laga saarey soomaliya kuukey waxba been isku maaweelin soomali soomali ayaa leh deg deg in ay xuduudooda ku noqotaa nabada ay ugu jirtaa maamulka juba waa soomali shilinka waaley inta ay soomali walaaleysan lahaa ayuu rabaa in meesha lagu ilaaliyo asagoo siyaasad aqoon qabiil waa waqqti lumis soomalida kale waa in uu la heshiiyaa oo wax la qeybsadaa waa hadii uu nabad rabo wadan shisheeyo kuma difaaci karo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here