Kenya: Booliska oo toogtay 5 ruux

Kenyan anti-terrorism policeToogashada raggaan ay u geysteen Booliska ayaa la soo warinayaa inay ka dambeysay, kadib markii ciidamada oo ku guda jira xaqiijinta ammaanka ay arkeen raggaan oo Bistoolado dhac ku geysanaya.

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Degmada Kambu Larry Kieng’ ayaa sheegay in eedeysanayaashan lagu daba jiray la gasoo bilaabo Magaalada Nairobi oo markii hore ay ka tageen, wuxuuna intaa ku daray in ciidamo si gaaar ah u tababran ay ka war hayeen dhaqdhaqaaqa ragaasi kadibna ku guulestay in ay toogtaan.

Mr Larry oo hadalkiisa si watay xili uu warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in ciidamada ay nimankaasi ka heleen bistoolad iyo lix rasaas iyo sidoo kale bistoolad faalso ah.

Laamaha amaanka dalka Kenya ayaa dhawaanahanba sare u qaaday howlgalada lagu baacsanayo dadka looga shakiyo falal burcadnimo oo inta badan dhac u geysta shacabka qeybo kamid ah.

Maalmo ka hor ayeey aheyd Booliska Kenya markii ay sheegeen in Magaalada Mombasa ay ku toogteen labo ruux oo xiriir la leh Ururka Al Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here