Kenya: Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada weerar ka dhacay Libooya

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerar ka dhacay xaley deeganka Namajaalow oo ku yaalla deeganka Libooya oo ku yaalla xadka Kenya  uu la wadaago Soomaaliya.

Al-Shabaab war ay soo galisay Axada maanta ah bogga Twitter ka ayay ku tiri “Xubno ka tirsan Mujaahidiinta ayaa xaley weerar ku qaaday saldhig ciidan iyagoona halkaas ku dilay 8-askari, kuna afduubtay askar kale iyo hub illaah ayaa mahad leh”

Si kastaba, wariyaasha ku sugan magaalada Gaarisa ee gobalka waqooyi dalka Kenya ayaa sheegay in weerarkii xaley ka dhacay Gaarisa ay ku dhintee shan qof oo labo ka mid ah ay yihiin askarta dowladda Kenya.

Waxaa kaloo warka ay lee yihiin dadka lagu dilay weerarka ayaa isugu jira saddex ka tirsan ciidanka Kenya, shaqaale ka tirsan hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya iyo macallin.

Saddex qof oo kale ayaa ku dhaawacmay weerarka.

Saraakiisha ammaanka iyo kuwa caafimaadka ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhaawacmeen saddex qof oo kale, waxaana ku jirra guddoomiyihii degmada uu weerar ka dhacay.

Markii uu weerarka dhacay waxaa goobta loo diray ciidamo badan oo Kenyan ah,si ay u adkeeyaan ammaanka deeganka la weeraray iyo meelaha ku dhow.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com 

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here