Kenya: Al-shabaab oo Mudo kooban haysatay Tuulo katirsan Gaarisa

al-shabaab oo gudaha u gashay deegaan katirsan KenyaGarisa-Kenya: Wararka naga soo gaaraya Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Barri, ayaa sheegaya in dagaalyahano al-shabaab katirsan ay saacado kooban haysteen Tuulada Haluqa oo katirsan Gaarisa.

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay dadka deegaanka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay bam ku tuureen birta telefoonnada ee shirkadda Safaricom taasi oo goysay isgaadhsiintii.

Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay dhinacooda inay maleeshiyadoodu qabsadeen tuulada kadib markii ay dhowr jiho kasoo weerareen.

Al-Shabaab ayaa weerarro is-daba joog ah ka gaysata gudaha dalka Kenya, waxayna weerarradaasi wadeen tan iyo intii dawladda Kenya ay ciidamada usoo dirtay Soomaaliya.

Weerarrada kuwa ugu xoogganayaa ayaa ka kala dhacay magaalada Nairobi oo weerarkii Westgate ee bishii Sebtember 2013-kii ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof.

Sidoo kale weerar dhacay bishii April 2015-ka oo lala beegsaday Jaamacadda Garissa University ayaa ay ku dhinteen ku dhowaad 150 qof oo u badan ardaydii jaamacadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here