Keith Ellison Oo Maanta muqdisho Soogaaray Lana Kulmay Madaxweyne Xasan Shiikh

Senator Keith Ellison, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, waxaana markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Aadan Adde kulan albaabada u xiran uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Senator Keith Ellison, oo laga soo doorto degmada 5aad ee Minisota oo Soomaalidu ay ku badantahay, ayaa noqonaya siyaasigii ugu horeeyay ee kasocda wadanka Mareeykanka ee soo booqda Muqdisho tan iyo markii maamulka Washington uu ku dhawaaqay in si rasmi ah uu u aqoonsaday doowlada Soomaaliya.

Mudanahan ka tirsan aqalka Congress-ka Mareeykanka Keith Ellison ayaa markii uu soo gaaray garoonka Aadan Adde, si weyn loogu soo dhaweeyay waxaana garoonka ku sugnaa haween ruxayay Calamada Mareeykanka iyo kan Soomaaliya.

Keith Ellison ayaa markii uu soo dagayba waxa uu kulan saxaafada dibad joog ka ahayd kula qaatay qolka shirarka ee garoonka diyaaradaha Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirka kadib ayay labada nin u wada qabteen shir jaraa’id oo ay kaga hadleen waxyaabihii ay isla soo qaadeen.

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay booqashada Keth Ellison, isagoona dhanka kale ku amaanay dadaalkii uu ka geystay booqashadii uu dhowaan ku tagay dalka Mareeykanka, gaar ahaan magaalada Miniapolis ee gobolka Minisota.

“Waxoow aad uga shaqeeyay kulankii aan la yeelanay Congres-ka Mareeykanka, waxoow sidoo kale aad iyoo aad uga shaqeeyay booqashadeeydi magaalada Miniapolis, anagana maanta halkaan ayaan kusoo dhaweeynay” ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh.

Dhinaca kale mudanaha ka socday aqalka Congress-ka Mareeykanka Senator Keith Ellison oo ka hadlayay shirka jaraa’id ayaa ugu horeyntii ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, oo uu sheegay ineey ahayd yool uu tiigsanayay, maadaama Soomaalida ku dhaqan magaalada laga soo doortay ee Miniapolis uu u ballan qaaday markii la doortay sanadkii 2006 in mar uun uu tagi doono Soomaaliya, taasoo maanta xaqiiqoowday.

Keth Ellison, waxa uu sheegay in booqashadiisa Soomaaliya uu uga goleeyahay sidii uu uga shaqayn lahaa xiriirka labada wadan ee Mareeykanka iyo Soomaaliya, kaasoo mudo fog soo jiray, waxa uu sidoo kale Keith Ellison ku faanay aqoonsiga ay doowladiisa siisay doowlada Soomaaliya.

Mar uu ka hadlayay mudanaha ka socday Congres-ka Mareeykanka ee maanta yimid Muqdisho, waxyaabaha ay sida gaarka ah isula soo qaadeen madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu yiri:

”Maanta waxaan qabaneeynaa kulamo xiriir la leh, arimaha dhaqaalaha iyo xawaaladaha, waxa aan ka hadli doonaa sida aan ku fududeyn lahayn dhibaatada jirta, waxna uga qabayn lahayn dhibaatada kusoo food yeelata qaxootiga, waxan rabaa inaad ogaataan ineey sharaf weyn ii tahay inaan maanta halkaan joogo, waxaan rajaynayaa inaan soo noqon doono, hadii ILAAHEEY yiraahdo”.

Keith Ellison, ayaa noqonaya mudanihii ugu horeeyay ee kasocda Congrees-ka Mareeykanka ee Yimaada Soomaaliya, tan iyo markii maamulka madaxweyne Obama uu ku dhawaaqay aqoonsiga uu siiyay doowlada Soomaaliya 17-kii bishii na dhaaftay ee January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here