Keating: Hadii la helo 194 Xildhibaan waxaa la dooran doonaa..

KeatingErgayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Khaas oo uu siiyey Wakaalladda Wararka Qaranka Soomaaliteed ee SONNA, wuxuuna sheegay inuu dhowr jeer oo hore isbedelay Xilliga Doorashadda Somalia.

Mar wax laga weydiiyey inay Doorashadda Madaxtinimadda Somalia ku dhici doonto Xilligeeda , waxa uu carrabka ku hduftay inuu waqtigu isbedelayo.

“Waqtiga wuu is-bedelayaa, horey, wuxuu u ahaa bilihii August, September, October iyo November, waxaana leeyahay xilliga la mudeystay Somalia ma ahan kan Switzerland oo kale” ayuu yiri Ambassador Keating.

Waxa kale oo uu carrabka ku dhuftay, kuna celceliyey inuu rajo ka qabo inay dhici doonto doorashadda Somalia.

Wareysiga uu siiyey Wakaalladda Wararka SONNA waxa uu Mas’uulkaasi ku sheegay inaan weli la soo dhamaystirin Doorashadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, balse loo baahan yahay in 5 maalmood kadib la helo 194 Kursi oo ka mid ah xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka.

Wuxuuna rajo ka muujiyey in la soo dhamaystiro tirada Barlamaanka ee 275-ka xubnood, si uu ruux kasta u yimaado Muqdisho, loona doorto Afhayeenka Baralamaanka.

Ergayga Gaarka ee Xoghayaha Guud ee QM ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Michael Keating waxaa kaloo wax laga weydiiyey Eedeymaha lagu dhaliilo Xafiiska inuu faragelin ku hayo Hawlaha Guddiyadda doorashadda madaxa bannaan Heer Federal iyo Maamul-gobaleed, wuxuuna tilmaamay inay shaqadooda tahay inay dhiirgeliyaan iyo in la dhowro Jadwalka Doorashooyinka.

Dhinaca kale, Ambassador Keating waxaa wax laga weydiiyey Wada-xaajoodka u socda Somalia iyo Somaliland, waxa uu tilmaamay inay Labada dhinaca wada hadli karaan hadday doonayaan, isla markaana Wada-xaajoodkooda waxba kama gelin dadka kale, xitaa QM.

“Waxaa jira jilayaal kale oo ka shaqaynaya in labada dhinac ay wada fariistaan oo ay ka hadlaan arrimahooda, QM lama waydiisan in uu wax ka ciyaaro arrimahan” ayuu sii raaciyey Ambassador Michael Keating oo u waramay Wakaalladda SONNA.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here