Kay: “Waxaa meel gabo gabo ah maraya qorshayaal lagu weerarayo deegaanada shabaab…..”

Danjire_-Nicholas_KayErgayga QM uqaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, oo maanta warsaxaafadeed kasoo saaray Xafiiskiisa Muqdisho, ayaa sheegay ineey meel gaba gaba ah marayaan qorshayaal lagu weerarayo deegaanada ku haray Gacanta shabaab.

“Waxaa jira qorshe lagu doonayo in lagu weeraro deegaannada ay kooxda Al-shabaab ka taliso, taasina waxay qayb ka tahay qorshayaasha la doonayo in Soomaaliya lagu gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah,” ayuu Kay u sheegay xubnaha golaha ammaanka isagoo shir ay xalay yeesheen kaga qaybgalay qalabka la iska arko.

Mr Kay, ayaa hadalkiisa ku daray in haddii qorshahan uu noqdo mid guul-darreysta ay keeni karto in Al-shabaab ay awooddeeda ku baahiso Qaaradda Afrika oo dhan.

“Qaramada Midoobay iyo dalalka caalamka waxaan ugu baaqayaa in gacan laga siiyo dowladda Soomaaliya sidii ay Al-shabaab uga adkaan lahayd ayna ku fulin lahayd qorshayasha u dagsan inay dalkeeda gaarsiiso,” ayuu Kay ku daray hadalkiisa.

Sidoo kale, ergayga ayaa soo hadal qaaday kaalmooyinkii lagu deeqay shirkii Brussels ka dhacay bishii September ee sannadkan, isagoo beesha calaamka weydiistay inay dhaqaalihii ay ugu yabooheen Soomaaliya bixiyaan si dib u dhis loogu sameeyo dalka ay colaaduhu burburiyeen.

“Waxaan ugu baaqayaa beesha calaamka inay ka dhabeyso bixinta lacagtii ay ugu yahoobeen Soomaaliya intii uu socday shirkii Brussels, qorshaheedu ahaa in dib loogu dhiso dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Kay.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Doowlada Soomaaliya, ayaa maalmahaan ka gaabiyay howlgaladii ka dhanka ahaa shabaab, kadib markii uu qilaaf soo kala dhexgalay madaxda DFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here