Kay oo ka dhawaajiyay Hadal aan u rooneen dhagaha DF

kayErgayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa ka digay in hadii ay sii socdaan dilalka iyo qaraxyada Muqdisho ka dhaca, Safiirada iyo saraakiisha QM isaga bixi doonaan magaalada Muqdisho.

Kay, ayaa ka hadlay dilka shalay Muqdisho loogu geystay Xilibaan Mursal, iyo Xilibaankii doraad ku dhintay qarax loogu rakibay Baabuurkiisa, waxaana masuuliyada dilka labadaas Xilibaan sheegtay ururka Al-shabaab.

“Weerarada lagu dilay Xilibaanada, waxay sababi kartaa in diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha ajaanibta ay isaga baxaan Muqdisho” ayuu yiri Kay.

Meydka Xilibaan Mursal
Meydka Xilibaan Mursal

Kay oo ka hadlayay Xaruunta QM ee Washington, ayaa DF ugu baaqay ineey adkeeyaan amaanka Caasimada iyo masuuliyiinta.

Tan iyo markii Muqdisho lagu doortay M/weyne Xasan Shiikh, waxaa Caasimada kusoo qul qulayay diblomaasiyiin reer Galbeed ah, kuwo Carbed iyo kuwo kasocda Dalalka deriska, sidoo kale waxaa Caasimada kusoo qul qulayay ajaanib iyo maalgashadayaal.

Al-shabaab ayaa iyagana halkooda kasii waday beegsiga masuuliyiinta dadka la shaqeeya Doowlada, iyagoo mararka qaar geysta qaraxyoo dhiig badan ku daato.

Laamaha amaanka DF, ayaan ilaa iyo hada sidii larabay howshooda u qabsan, mana jirto qof ay usoo qabteen dilalka xilibaanada iyo qaraxyada Muqdisho ka dhaca.

Bishii June 2013, rag shabaab ka tirsan, ayaa weerar toos ah iyo qaraxyo la beegsaday Xaruunta QM ee Muqdisho.

Mareeykanka ayaa wali Safaarada uu Soomaaliya ku lahaa, waxa uu si KMG ahaan ugu taal Kenya, halka Safaaradaha dalalka UK, Yeman, Turkey, Libya iyo Sudan, ay ku yaalaan Casimada Muqdisho.

 

2 COMMENTS

  1. waxaan halkaan ka salaamayaa marka hore midnimo oo aan leeyahay dadaalka aad wadiin sii labalaaba illaaheey ha idinka dhigo kuwii midnimada shacabkeena ka qaybqaata aamiin
    waxaan kaaloo salaamayaa shacabkeena meelkastoo ay joogaan
    ilaaheyna hanaga dhigo kuwii isu soo hilooba oo isgarab qabsada aamiin

    soomaalidu waxay tiraa ishaan meel dheer wax ka arageey dhac
    amaba waxaan casirki sheego ayaa cishihii la arkaa waxaan taas uga dan leeyahay indheer garato dhowr ah ayaa dhowr goor hore u sheegay maqaalo badana ka qoray in shisheeyuhu uusan danteena darteed u imaan qaasatan qaramada midoobey kenya itoobiyo iyo mareeykan waxaa dhab ah in cidii nafteeda is ixtiraamta ay cidwaliba ka heybaysanayso laakiin dadkii dhexdooda ka coloobo ee qabiil iyo qaran dumis dabci ka dhigto in uu cadaw kasto usoo hanqaltaagaayo
    siduu u kala qaybin lahaa beelihiisa isuguna diri lahaa dhexdooda dabadeedna markay isku jabaan uu sidi adoomo u gumeysan lahaa qayraadka dhulkaasna meel cidlo ah ku boobi lahaa

    walaalayaal waxa loo soo kala ordaayo ee dowlado naga kala cararay 23 sano ka hor ay maanta inta midwaliba xoogaa kaalmo ah gacnaha horo ugu soo qaado leedahay waxaan ka qeybqaadanayaa horu marka soomaaliya waxeey doonayaan in eey dhaqaalaheena kala boobaan horumarna nooma wadaan
    illaa iyo hada dowlada kaliya ee aan aragnay waxeey qabatay waa turkiyo oo noo timid maalin xaalkeena ilaaheey ogaa illaaheeyna abaalkooda jano haka dhigo aamiin

    walaalayaalwaxaan halkaan ka sheegayaa galabta anigoo ah hooyo soomaaliyeed jecelna wadankeeda iyo shacabkeeda in dhibta na haysata ay tahay qabyaalad faqri maqabno oo barwaaqada dhulkeena dhextaala walaahi ineeynaan u baahneeyn in dibadwaxnoolaga keeno laakiin cudurkaan qabiil goormeynu iska daaweeyn walaalayaal qabiilku ma xuma
    laakiin anagaa xumeeynay illaaheey ayaa qabiilka sameeyay si laysugu aqoonsado laysuguna xiriiriyo qaraabo nimo

    walaalayaal waxaan ka dhashay reer ka kooban seddex walaala ah iyo aabe iyo hooyo aqalkeenaas yari wuxuu kulmiyay dhowr qabiilo oo soomaali ah kalana dega galbeedka waqooyi bartamaha iyo koofurba hadaba walaalayaal hadii reerkaas yari kulmiyay intaas oo soomaali ah balka warama reerihii naga badnaana

    walaalayaal soomaaliyeey xageed noo kala wadaan waxaan nahay shan farood oo gacan iskula taal ee baraaruga inta aanuu cadawgu na kala jarjarin

    illaaheey waxaan waydiisanayaa oo aanaan ka daalayn in illaaheey i tuso anigoo arka walaalaheeni oo isu soo hilooba iloobana wixi shaydaan na kala dhexdhigay
    waxaan dhihi lahaa walaalayaal aan sida ugu dhaqsaha badan u biloowno sidi wadanka leysugu soo ururin lahaa walaalaha kala firdhaday

    waxaan aad iyo aad u dhaliilsanahay culimadeena sababtoo ah culumadu hadeey sixaqiiqo ah u howlgalaan waxaan aaminsanahay in hadalkoodu dhegaha u furanyahay sidaas darteed culumeey fursada dahabigaa qaata hadii illaaheey yiri qofkii qof nooleeya yacni sababa badbaado qof nolashiis maxeey idinla tahay hadaad soomaali oo dhan badbaadisaan illaaheey haydin garabgalo aamiin

    cudurdaar majiro qof kastoo waxqaban karoow dhaqaaq
    indheergarato dhalinyaro haween odayaal cidkastoo waxqabankarteey dhexda xiro intaanan xeero iyo fandhaal kala
    dhicin beledkeenana loo qeybsan

    yaa illaahiiy yaa raxmaan yaa maalikul quluub quluubta shacabkeena isu soo jeedi aamiiin

    aducaaa aducaa aducaa iyo istiqfaar badan aan la imaano si illaaheey dhibka nooga dulqaado
    sidaas iyo guul degdeg ah inshaa allaah

  2. waxaa cadaatey in sidii qorshaha ahaa in la yiraahdo mogdisho amni maahan iyadooo ay jirto meeelo badan aduunka ah oo ka qatarsan soomaliya sida bagdaad iyo kabul hadana lama maqlo waan baxaynaa maxay tahay in markasto lagu hanjabo waan baxaynaa waayo kooxihii ku naaxay lacagta soomaliya loogu deeqo xafiisyaada ka furtey wadamada deriska si ay lacagta soomaliya ay ugu taajiraan wadamadaas soomaliyana ay noqoto Xero qaxooti kooxaha ay ugu horeeyso qaramada midoobey NGOyada waxay rabaan in ay ku noqdaan xafiisyadii ay ka yimadeed markii hore laga yaabo in ay maalgeliyaan kuwa nabaddiidka si aduunka loogaga gedo mogdisho nabad maahan saxiibka runta ah kaama tago markaad dhibaateysan tahay waa midka aan kaa tagin markaad hiil u bahan tahay soomaliya dhibaatada ka jirto waxaa sabab u ah kooxaha u shaqeeyo qaramada midoobey aan rabin in soomaliya ay yeelato nabad buuxdo khilaafka iyo isqabqabsiga hada jiro waxaa abuurey raga ka wakiilka ah igad, amison iyo qaramada midoobey waxay la kulmaan qabqable qabiileed si leysagu diro soomalida waxma garada ah lacag doonka ah khilaafka federalka waxaa huriyey madax qaramada midoobey si uu u dhahao xafiisyada haloo celiyo meeshii ay ku dalxiisi jireen waxaana sabab u ah r/w oo la yimid siyaasad uu awoodii wadanka uu gacanta u geliyey wadamada deriska ah iyo kooxo kale sida ngoyada kuwii ka taajirey 23 sanno burka soomaliya waa jees jees lagu jeeso madxda somaliya waayo aqoontoodaa yar qabiil ayaa diin u noqdey soomali ha isku tashato waan aragnaa in aanan la rabin in soomaliya ay yeelato dowlada sharaf leh qaran awood leh waxaa saba u ah hadal jileeca madaxda soomaliya waa in ay hadalkooda misaan u yeelaan jawaab ku haboon in ay markasto siiyaan cadowga soomaliya diidan nabad madxda soomaliya siyaasada shirqoolka ah ma fahmaan waxaana la isticmalaa lacagtooda iyo magacooda aygiina wax micno laheeyn ayey isku heystaan

Leave a Reply to صومالية و أفتخر Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here