Kay oo fariintaan uga tagay madaxda Soomaalida

kayNicholas kay oo soo dhamaaday waayihiisii Soomaaliya waqtigiina uu ka dhamaaday ayaa shaaca ka aaday xogo cusub si gaar ahna fariin ugu diray maamulada ka jira Soomaaliya.

Isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu VOA kaga warbixiyay marxalada dalka Soomaaliya uu haatan marayo iyo waxyaabaha u qabsoomay dalka Soomaaliya muddada uu la shaqeynayay madaxda Soomaaliyeed.

Nicholas Kay wuxuu sheegay in guulo badan laga gaaray in nidaamka dowladnimada la gaarsiiyo deegaano badan oo ku yaala Soomaaliya oo markii hore uusan gaarsiisneyn.

Wuxuu soo hadal qaaday shirka bisha Janaayo 10 ka dhacaya magaalada Kismaayo oo ay isku arkayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo madaxda ugu sareyso dalka Soomaaaliya, waxaana looga hadlayaa nooca doorashada ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka soo socdo.

Fariin dardaaran ah ayuu u reebay dadka ku shiraya magaalada Kismaayo, isaga oo shaaciyay in laga doonayo iney ka fikiraan aayaha iyo mustaqbalka ummada Soomaaliyeed, maadaama ay hadda hogaanka u hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here