In Kastoo Aan Heli Karin, Wali Waan Haminayaa” Sheeko dhab ah

loveWanaagsan oo wacan saaxiibada qiimaha badan meel kasta oo aad dunida kaga nooshahiinba waaa Saaxiib waasuge oo hawada idiin soo marinaya Salaan mida ugu qiima badan ee la isu diro aduunyada Asc Wr wb.

Salaan ka dib ku soo dhawaada Bogeena dhanbaalada oo aan isbuucaan idin kugu soo gudbin doona hadii Allaha awooda sare leh idmo ‘DHANBAAL’ Aan filaayo inaad la dhici doontaan aadna u jecleysan doonto.

Sida indhahaadu qabanayaanba waxaa inoo saaran miiska diiwaankeena aan ugu waqlalnay ‘In Kastoonan Heli Karin, Wali Waan Haminayaa’ Waxay ila tahay in culeeys gaar ah leedahay wax aadba hubti inaadan helaynin balse aad wali ku hamineeyso, waxaan sugnaaba waa dhanbaalkeeni isbuuca ee ka bogosho wacan.

From: Ruux Aadan Doonayn Aragiisa,MaQalkiisa Iyo Waliba MuuQiisa Balse Adiga Kuu Muhanaya.

Sanad baa ka soo wareegatay kolkii aan kale tagnay isku dhaceena sababtiisana aniga ayaan ka danbeeyey balse garowso inaan caawa doonayo soo gudbinbta xaqiiqda iyo xaalada dhabta ah ee ka danbeeysay inaan kale dhaqaaqo, waliba si lama filaan ah aan kuugu soo bandhigo naceybka aan kuu qabay adoo dhab ii jecel.

Xariirkeena biloowgiisa hamigeygu waxuu ahaa inaan ka miro dhaliyo jaceylkeena taas oo aan dadaal dheer u galay inaan kaa ilaaliyo hadimada iyo qayaanada, waxaan galay wacad aadan ogayn oo ahaa inaan daacad u ahaado naftaada, sida aan aaminsanahay wali waan ahay daacad balse waxaan daacad u ahay naftii aan shalay balanka la galay, halka adiga oo leh naftaasna aad iga aaminsan tahay inaanba ahay qofka dunidaan ugu xun.

Xaqiiqda jirtaahi maahan sida aad wax u fasiratay ee ka bogosho wacan sababta ka danbeeysay inaan hawada kuu soo mariyo ‘Naceybka aan kuu qabo iyo sidaan ugu bareerey dhidibo usiibida xariirkeena wanaagsanaa.

Markii aan ka soo tagay dalkii hooyo ee aan imid qurbaha/dibada waxaan galay mawjado ka duwan kuu aan ku taamayey,nolosheyduna waxay dhaxtaal u noqotay fakar,eedayn joogta ah iyo waliba daruufo aduun oo aan soo koobitaan lahayn,qof kasta oo horey ii aqoon jirey waxuu iga aaminsanaa inaan baadiyoobey halka qofkii kolkaas I arkaana uu dib iiga carari jirey,waxaan gabay daryeelkii nafteeydu igu laheed waxaana ahaa mid mararka qaar ogyn halka uu wax ka cuni doona amaba uu caawa ku hoyon doono hadii Alle nabad ku gaarsiiyo, waxaan iibsadey qayb ka mid ah hantideydii ma guurtada aheyd sida aaminaadii, dharkeeygi iyo waliba dhaqankeygii, intaas oo dhana waxaan ku raali yeeley nafteeyda cid kale waxba uma qabanin runtii.

Laga yaabe inaad macnaha u fasirato qaab qaldan balse waxaan kuu qirayaa inaan ka ahay bari xumaanta iyo waxii Rabbi iga xarimay ogoow baahida iyo barwaaqadaba waxaa baxiyo Allaha awooda sare leh ee ifka ina wada keeney aanu ulaaban doono mar kastana nahay adoonkiisa loola baahan yahay inaan wax kastoo ugu mahad celino,anogoo hubinayno inaan marno dariiqii nala faray kana hareyno kii nalaga reebey ee xun.

Qof naftiisi daayacay miyuu tu kale daryeelayaa: hadii aadan indhaha is tireynin jawaabta aad heleeysaa waa ‘Maya’ waayo wax kastaahi waxa aay ka bilaawdaan nafta kugu ah amaanada ee bari lagaa soo doonanaayo, Mudo ayaan sidaas ahaa waxaanan gaaray inaan garan waayo halka aan tiigsanaayo, waxaan ka haray 3dax shay qofka bani aadamka ah u ah saadaal, waxayna kala yahiin, ‘Rajada oo ah qofka iftiinkiisa, jaceylka oo ah qofka udub dhaxaadkiisa, iyo hamiga oo ah qofka awoodiisa, adiguna waxaad ka mid tahay 3dan waaye.

Waxaan jecelahay inaan sida dhabta ah ee wax iigu dhaceen kaaga sheekeeyo kolkii aan nolol ku kalano oo aan fool ka fool iskaga hor imaano labadeena hadii aan kale dhimanana waxaan kaa rajaynaa inaad I cafiso.

Habeen haneenada ka mid ah waxaan ku dhameystay fakar adiga kugu saabsanaa cid kale aaysan kula wehlin waxaan dhax maquurtay sida aan kaa yeeli lahaa waayo waxaan ogaa balanteenii marka aan soo kale tageynay, dhan kasta markaan ka soo aruuriyey waxay igula qurxoonaatey inaan moolka is geeyo adigana si bareer ah kuu quusiyo oo aadan dib danbe iiga fakarin, taas oo aheed inaan ku soo Waco kuuna sheego inaanan habeen jaceyl kaada ku seexan kuna soo toosin, waayo ma doonayn inaad mustaqbalkaada guriga joogto ahaado, waxaana go,aansadey hadaan waayey teydii inaanan taada lumin kana dhigin habsaan kale. Waayo dumarka waqtiga mustaqbalkoodu waa fara ku tiris u baahan in aay ka faa,ideystaan adigana sidoo kale waa inaad si farxad leh u qaadato noloshaada oo aadan sugin qof maqan hadana ku hungoobey qurbo.

Haatan wax kasta waay is badaleen oo dib ayaan uga soo kabtey rafaad kasta oo aan soo maray alx waxa ii dhiman ayaa ah adiga oo aan kaa helo cafis waan ogahay inaanan adiga ku haleynin waayo xataa hadii aan ku helo sidii hore iima ahid ee naftaada iyo tayda waxaad dhax dhigi doontaa taxadar joogto ah sabatoo ah qofka mar haduu lumiyo kalsoonida qof kale ma u maleynaayo inuu dib u ubuuri kale balse iskaga yeel ayaa lagu joogaa aduuna taasna aniga ayaan diyaar u ahayn maanta, hadii aan adiga ku waayey waxaan ku haminayaa waa cafiskaada ee taas uun ii ogoow, ha noqon geed adag aan go,I kareen, gacmahana daaliyo.

Waa walaalkaa soomaaliyeed oo mar kale ku leh ifka hibo ku nooloow aakhirana halkii rooon abaayo.

Bogeena dhanbaalka isbuucaan intaas ayaan ku soo gaba gabaynayaa inta aan dib u kulmi doonana waa ismail ‘WaaSuge’ oo idin wada leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaanba caafimaadsan

W/Q: WaaSuge

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here