Kani Torun: 35 Million ayaa ku baxday Isbitaalka Digfeer

imagesKani Torun , oo ah Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, ayaa markii ugu horeeysay ka dhawaajiyay Qiimaha ku baxday Dhismaha Hotelka Digfeer.

Wareysi uu siiyay Safiirka Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay howlaha mashaariicda uu ka wado Turkiga magaalada Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay in dhowaan uu shaqo bilaabayo Isbitaalka Digfeer.

“Isbitaalka waxaa ilaa iyo hada ku baxay lacag gaareysa $35 milyan oo doolarka Mareykanka, Isbitaalku waa mid u dhameystiran qalab ahaan iyo dhisma ahaanba, waxaa dhowaan sugeynaa koox dhaqaatiir ka imaaneysa Turkiga oo bishan dhamaadkeeda imaanaya, waxay la howl galayaa dhaqaatiir iyo kal-kaaliyaal Soomaaliyeed”ayuu yiri Safiir Kani Torun oo intaa ku daray in Isbitaalka uu si rasmi u howl geli doono bisha Febraayo ee soo socota.

isbital-digfer_7

“Lacagta Isbitaalka waxay ku xiran tahay cida maamusha, Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wada jir ah Lacagtaasi isaga kaashan doona, Sidaas daraateed maamulka wuxuu haaystaa Qarash, iyadoo loo eegayo bajadka qaar ka mid ah qiimaha Lacagta waxaa bixinaya Turkiga sida shaqaalaha Turkiga, sidoo kalena Dowlada Soomaaliya waxay bixineysaa mushaaradka kale shaqaalaheeda iyo wixii ay u baahan yihiin, marka Lacagtada badideeda waxaa ka imaaneysa kor laakiin waxaa jirta Lacag yar oo laga qaadi doono Bukaanada Cisbitaalka imaanaya”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya amb. Kamaaludiin Kani Torun.

Isbitaalka Digfeer oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay, ayaa waxaa halkan idinku soo gudbinayaa muuqaalada laga soo duubay Isbitaalka iyo qalabeynta casriga ee lagu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here