Kampala:Kullan dhexmaray Madaxweynaha iyo Jaalliyadda Soomaaliyeed

Madaxweynaha doowlada Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan dalka Uganda ayaa xalay Casho waxa ay layeesheen dadweynaha ku dhaqan magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa arimaha uu Jaalliyadda lasoo qaaday waxaa kamid ahaa inuu Ardayda dalkaas wax ku bartay ku dhiiro galiyay ineey is diiwaan galiyaan si ay u noqdaan Saraakiisha Ciidamada hogaamisa, madaxweynaha ayaa sidoo kale kahadlay Xaalada amniga dalka iyo howsha doowlada utaala, waxaana uu sheegay in kaalmo looga baahanyahay ganacsatada Soomaalida ah marka ay amniga xaqiijiyaan, iyo in ay ka madax banaanyihiin Musuqmaasuqa.

Kulankan oo ahaa Casho sharaf ay Jaaliyada u sameeysay madaxweynaha iyo wafdigiisa, ayaa waxay ku koobneed, Ardayda wax kabarata jaamacadaha dalkaas, Ganacsatada, iyo Culumaa’udiinka, waxaana tira ahaan dadka xafladaas soo xaadiray lagu qiyaasay 40-50 qof.

Madaxweynaha, ayaa dhalinyarada iyo dadkii kulakaas kasooq ayb galay ku dhiiro galiyay in ay wadanka kusoo laabtaan kana qayb qaataan amaankiisa, waxa uuna usheegay in Muqdisho aysan ahayn maanta tii hore oo doowladiisa cusub waxa badan ka qabatay dhanka amaanka.

Madaxweynaha ayaa Ardayda jaamacadaha Uganda wax kabarata amaba ka qalin jabiyay ku cel celiyay kana codsaday ineey isa soo diiwaan galiyaan si ay u noqdaan Saraakiisha hogaamin doonta Ciidanka qaranka.

Qorshaha Tayeenta Ciidamada:

Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa tan iyo markii lasoo doortayba waxa uu waday qorshe dib loogu dhisayo Ciidamada Xooga dalka, waxa uuna qorsheeynayay in dhalinyaro Cusub islamarkaasna wax soo bartaty ay noqdaan Saraakiisha hogaamineeysa Cidiamada, maadaama Saraakiishii hore ay hada yihiin da’ sidoo kalena aysan qoon ulaheen adeegsiga Tiknolojiyada.

Madaxweyne Xasan Shiikh , ayaa  rajeynayo in mudo afar sanao gudahod ah la heli karo ciidan gaaraya 46,000 askari oo isugu jira kuwa badda, cirka iyo dhulka, awoodi karana in dhoolatus militari ay ka sameeyaan hawada iyo badda Soomaaliya si looga maarmo ciidamada shisheeye ee hadda dalka ku sugan.

Waxaa qorshahan oo ah mid laga tixraacay “qorshihii xasilinta dalka” ee ay dejisay xukuumadii ku-meelgaarka ahayd lagu soo kordhiyey qeybo aad u ballaaran oo u baahan doona lacag iyo waqti fara badan, sida ay qabaan la taliyaasha madaxweynaha.

Waxaa barnaamijkan hadda loogu bixiyey “Exit Strategy” -oo micneheedu yahay sidii loo heli lahaa daw ama dariiq dawlada Soomaaliyeed uga maaranto ciidamada shisheeye ee dalka jooga, loona heli lahaa ciidan Soomaaliyeed oo awood u leh inay sugaan amniga dhammaan xuduudaha dalka soona celiya amarka iyo kala dambeynta iyadoo aan loo baahan awood shisheeye.

Gabagabadii kulanka ayaa madaxweynaha waxa uu sheegay in doowladiisu ay ku dadaaleeyso in wadanka ay gaarsiiso isku filnaasho dhanka amaanka ah iyo in laga maarmo Ciidamada shisheeye ee hada wadanka kusuguan, sidokale waxa uu sheegay ineey ku dadaali doonaan in Mushaaraadka Ciidamada wax badan laga qaban doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here