Kampala: Uganda oo shaacisay sababta ay ciidamadeeda ugala baxeyso Soomaaliya

162795795Isbuucii hore ayay ahayd markii ay Doowlada Uganda ku dhawaaqday ineey ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, marka la gaaro Bisha December ee sanadka soo socda 2017.

Midowga Yurub oo bixiya mushaaraadka ciidamada AMISOM oo askari walba bishii siin jirtey $1,028 (£700) ayaa ka jartay lacag gaareysa $200 bil walba arrimo la xiriira qarashaad ku baxaya dhinaca maamulka, waxana askari walba uu qaadanayaa lacag gaareys $800.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in lixdii bilood ee la soo dhaafay aysan mushaar qaadan ciidamad AMISOM mushaaraadka ay dhowaan qaadanayaana uu yahay lixdii bilood ee ugu dambeysay sanadkii hore.

Taliyaha ciidamada Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay inuusan garanayn wax uu ku fasiro mudada ay mushaaradka aysan qaadan ciiamada.

Gen Wamala ayaa sidoo kale sheegay in sababta ay ciidamada Uganda ay ugala baxayaan dalka Soomaaliya bisha December 2017 ay tahay jahawareer ay ka qaadeen ciidamada Soomaaliya iyo la taliyaasha milatariga ee Maraykanka,UK iyo Turkey.

Ciidamada Uganda oo ku sugnaa dalka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007dii ayaa waxa ay yihiin ciidamada ugu badan ee ka socda dalalka Afrika. Sidoo kale ciidamada dalka Burundi ayaa sheegay inaysan mushaar la’aan yihiin ciidamadooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here