Kampala: Uganda oo baareysa askartii lagu qabtay Muqdisho iyagoo iibinaya..

5 kamid ah ciidamada AMISOM oo lagu xiray MuqdishoDowladda Uganda ayaa sheegtay in ay baarayso askar ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa soo dhawaan lagu xiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dowladda Uganda ayaa sheegtay in loo baahanyahay in si aada loo baaro sababta keentay in ciidanka AMISOM ay ku dhaqaaqaan fal ka baxsan shaqadii loo idmaday.

Col. Paddy Ankunda afhayeenka ciidanka Uganda ee ku sugan Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka Xinhue ayaa sheegay in dowladda Uganda ay ka xuntahay falkaas ayna diyaar u tahay in ay ku sameyso baaritaan dheeri ah .

“waxaan ku wadnaa baaritaan dheer sababta keentay arintaas hadii danbi lagu helo waxaa la marsiin doono sharciga, waa xaqiiqo in ay wajihi doonaan ciqaab adag,wax la aqbalikaro mahan falkaas oo kale waan ka xunahay” ayuu yiri Col. Paddy Ankunda.

Horay waxaan dhacdaan ugu hadlay ururka Midowga Afrika oo sheegay in ay tahay wax lagu xumaado ayna baaritaanada lagu hayo askartaas ka qeyb qaadan doonaan.

Dhawaan ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta kusoo dhigay askar ka tirsan ciidanka AMISOM ku waa soo kasoo kala jeeda dalalka Uganda iyo Burundi, waxaana lagu eedeeyay askartaas in ay Muqdisho ku dhex iibinayeen agab loogu talagay ciidanka AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here