Kampala: Maxkamad maanta go’aan ka gaareysa Soomaali loo haysto weeraradii kampala

 Maxkamad maanta go'aan ka gaareysa Soomaali loo haysto weeraradii kampala
Maxkamad maanta go’aan ka gaareysa Soomaali loo haysto weeraradii kampala

Waxaa maanta lagu wadaa in la soo gaba gabeeyo dacwadda loo haysto 13 nin, oo Uganda ay ku eedeynayso in ay ka masuul yihiin weerarkii qaraxa loo adeegsaday, ee sanadki 2010-ka lagu qaaday maqaaxi ku taala Magaalada Kampala.

Raggan, ayaa waxay u kala dhasheen wadamada Uganda iyo Kenya, waxayna dacwadoodu intii muddo ahba ka soo jiitamaysay Maxkamad ku taala Magaalada Kampala.

Raggan, ayaa waxaa la sheegay inaanay haysan qareeno difaaca, ka dib markii la sheegay in Dowladda Uganda ay diiday in raggaasi qareeno loo qabto.

Weerarkan, ayaa waxaa lagu dilay in ka badan 70 ruux, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay, waxaana masuuliyadda weerarkaasi sheegtay Ururka Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab, ayaa ku goodiyay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah dalkaasi, haddii aanay Uganda ciidamadeeda kala bixin Somaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here