Kaluumeysato Soomaaliyeed oo ka cabanaya Maraakiib shisheeye

Kaluumeeysato ku sugan Xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan halka ay iska galaan Badweynta Hindiya iyo Badda Cas, ayaa sheegay ineey soo qajahday xaalado shaqo la’aan ah kadib markii Xeebihii ay ka kaluumeeysanayeen ay kasoo eryadeen Doonyo laga leeyahay dalka Iiraan.

Inkabadan 100 Doonyood oo nuuca Kaluumeysiga ah, iyo Saxiimado yar yar, ayaa maalinkii 2aad shaqo u tagin Badda ku teedsan degmada Caluula, kadib markii ay Doonyo Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiran si xoog ah kaga soo saareen Xeebihii ay ka Kaluumeeysanayeen.

Cumar Maxamuud Axmed, oo kamid ah Kaluumeeysatada shaqada laga joojiyay, ayaa warbaahinta u sheegay in Doonyo Kaluumeysi oo laga leeyahay dalka iiraan ay iyagoo badan oo Kaluumeeysato ah kasoo eryeen xeebihii ay ka qaraabanjiree.

Ilaa mudo 8 bilood ah ayuu sheegay in Doonyahaan laga leeyahay dalka Iiraan ay si toos ah u Jariifayeen Xeebaha gobolka Bari ee degmada Caluula, waxaana uu Cumar sheegay ineey saaranyihin rag Soomaali ah oo hubeysan ilaalana ka ah.

“…Arintaan ilaa 8 bilood ayay na haysataa, Doonyahay Iiraan leedahayna waa Doonyo macruuf ah, farsamadooda farsamada kale lamid maahan, Calankooda baa ka lulanaya, waxayna lasoo heshiiyeen dad Soomaali ah oo aan wadanka u daneeyneyn…” ayuu yiri Cumar Maxamuud Axmed.

Kalluumeeysatadan ayaa maamulka Puntland ka codsaday, ineey gacan ku siiyaan sidii doonyahaan Badda looga saari lahaa, hadii kale ay isku dayi doonaan ineey iska caabiyaan wixii tabartooda ah.

“Maamulkaa garab ka sugeeynaa, hadii aan maamulka ka weyno wax taakulo ah iyo waxqabad waan tashaneeynyaa Ilaaheey Rag buu naga dhigay” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dhacadadaan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo 23/4/2013 Ciidamada Badda Puntland ay gacanta kusoo dhigeen 5 Doonyood oo laga leeyahay dalka Iiraan oo ka Kalluumeeysanayay Xeebaha Puntland, oo dhinaca waqooyi qiyaastii magaalada Boosaaso ka xigta 30km, kuwaas ooay saarnaayeen 78 baxaari ah una dhashay dalka Iiraan iyo 12 nin oo Soomaali ah, ilaalana ka ahaa doonayahaan sharci darada ku Kaluumeeysanayay.

Qoraalkan Fikirkaaga ka dhiibo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here