Kaluumeeysatada Puntland oo ka cabanaya Maraakiibta shisheeye

A fisherman cuts up a fish in the northern port town of BosassoWaxaa soo kordhaya Cabashada ka’imaaneysa Kalluumeeysatada Xeebaha Puntland, kuwaasoo dhibaatooyin badan ka sheeganaya Maraakiibta “Jariifka” loo yaqaano, kuwaasoo kusoo badanaya xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada “EYL” ee gobolka Nugaal.

Kalluumeeysatada ayaa sheegaya, in dhibaato xoogan ay ku hayaan Maraakiibta Jariifka, kuwaasoo kusoo badanaya xeebahooda, waxaana ay tilmaameen intaasi ay caqabad ku noqotay ineey sii Kalluumeystaan.

Cabdi Daahir Mahad Bulxan, waxa uu kamid yahay dadka ku dhaqan degmada “EYL”, mar uu wareysi siinayay VOA u sheegay dhibaatada ka haysata maraakiibta Jariifka .

“Walaal xiligaan maanta ah markaad la sheekeeysato Kalluumeeysatada Badda ku jirta, waxay kuu sheegayaan ineey soo laabtaan iyagoon waxba Kalluun ah soo qabsan, maryihii ka qoyeen, sababta kaliftayna waxa weeyaani, Badda waxaa xaalufiyay maraakiib oo ku jidha” ayuu yiri Cabdi Daahir.

Sidoo kale Cabdi Daahir, waxa uu sheegay in mararka qaar ay Maraakiibta waaweyn weerar kusoo qaadaan doomahooda iyagoo u arka ineey yihiin Burcad-Badeed.

Gudoomiye ku xigeen degmada Eyl Feysal Khaliif Waceys, oo ka hadlay cabashada Kalluumeeysatada, ayaa tilmaamay dhibaatada jirta.

“Maraakiibtan Jariifka ah degmada “EYL” dhibaato farabadan beey ku hayaandhibaatadaasna waa dhibaato muuqata, Kalluumeeysatadii degmadaana faraha ayay ka laabteen,waxaana sabab u ah maraakiibtaas sida sharci darada ah uga kaluumeeysanaya deegaanka”.

Maraakiibta shisheeye ee huganaya Xeebaha saameyntooda mayara, waxaana ay Kalluumeeysatada ku waayeen Hanti farabadan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here