Kalluunka sida loogu iibiyo Muqdisho {Sawiro}

Wariye qoray maqaalkan wuxuu lee yahay, waxaad magaalada Muqdisho ku arkeysaa dhowr qof oo dusha ku wata kalluun dhirir kiisu yahay 8-fiit, kaasoo lagu iibinaayo wadooyinka magaalada Muqidsho oo ah magaalo ay diloodeen dagaallo.
Wiil yer oo ah kuray isla markaana ka tirsan dhallinyarada jalaabta kallluunka ayaa ku lugeenaya wadooyinka Muqdisho isagoo markaas iibinaya kalluun caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Waxaa uu wataa kalluun dhirirkiisa uu gaarayo lugihiisa illaa madaxa.
Waxa ay badankood dadka soo daba kalluunka ku iibiyaan suuqo ay qoraxda ku dhaceyso , kuwaasoo ay ku faraxsan yihiin.
Biyaha bad waynta Hindiya ee ku dherarsan xeebaha Soomaaliya, waxaa ku jira kalluun badan oo wata magacyo badan sida makos, hammerheads and grey sharks.

Kalluumeesato badan ayaa lagu arkayaa suuqyada waaweyn ee magaalada Muqidisho, waxaana ay badankood iyagoo watta gaari gacan ku lugeeyaan wadooyinka qaar kood waxa la arkaa iyagoo garab ka haya kalluun ama seenta dambe.
Waxaa jira tira yer oo dibadda loo dhoofiyo, laakin lama hayo tiradooda.
Soomaaliya hadda waxa ay ka soo kabaneysaa dagaalkii ka socday in ka badan 20-sanno, waxaa ay caan ku noqotay markii diyaarad nooca dagaalka oo lee yahay Maraykanka lagu soo riday sannadkii 1993-dii, sidoo kale askar Maraykan ah ayaa meydadkooda lagu jiijiijay waddooyinka Muqdisho.
Weli Soomaaliya waa meel khatar ah, waayo Al-Shabaab iyo kooxo burcad badeed ah ayaa ka dilaacay dalka ku yaalla geeska Africa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here