Kaka oo sii joogaya Real Madrid

Laacibka kooxda Real Madrid Kaka ayaa shaaca ka qaaday inuusan ka tagi doonin naadiga, xilli maalmahan la isla dhex marayey inuu aadi doono kooxda PSG ee dalka Faransiiska.

Wuxuu sheegay inuu u xaqiijiyey gudoomiyaha Real Florentino Perez iyo Macaliin Jose Mourinho inuu kusii nagaan doono magaalada caasimada ah ee Madrid.

Laacibkaan qadka dhexe ee reer Brazil ayaa la halgamaya la qabsasho la,aanta kooxda iyo dhaawacyo kusoo laa laabtay tan iyo marki uu kasoo biiray kooxda ka dhisan garoonka Santiago Bernabeu sanadki 2009 markaas oo uu kasoo wareegay AC Milan.

Kaka wuxuu sheegay inuu ka war qabo wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in bishaan January ee uu wali furanyahay suuqa kala iibsiga uu ka tagayo naadiga, laakin warkaasi wuu beeniyey.

“Wararka kutura kuteynta mar walba way iska yimaadaan ma ahan marki ugu horeysay oo ay saxaafada warkaasi sheegto laakin mar walba waxaan leeyahay dooqeyga waa halkaan,” ayuu yiri.

Kaka, oo xulka qaranka Brazil u saftay 82 kulan ayaa u ciyaary Real Madrid 55 kulan tan iyo marki uu kasoo tagay Milan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.