Kaka oo dib ugu laabanayo Milan

Kooxda AC Milan ayaa laguw adaa in ay dib ula soo wareegto xidigoodii hore ee Kaka kadib marki ay dhawaan ka tageen inta badneyd laacibiinteedii lafdhabarka ahaa.

Arinta ku saabsan soo laabashada Kaka ee garoonka San Siro waxaa sii ifiyey agaasimaha guud ee Milan Adriano Galliani oo sheegay in ay rajo ka qabaan in ay dib usoo celiyaan xidiga reer Brazil.

Hadal uu warbaahinta ku siiyey dalka Brazil kadib marki uu la qadeeyey wakiilka Kaka iyo Ganzo ninka lagu magacaabo Gaetano Paolillo ayuu ku sheegay in jaceylka saxda ah uusan marnaba dhamaan, sidaasi daraadeedna ay is jecelyihiin Milan iyo Kaka.
Wargeyska Marka ee kasoo baxa dalka Spain ayaa sheegay in mustaqbalka Kaka uu ka hadli doono 72-a saac ee soo aadan, waxaa kale oo uu leeyahay waxaa soo baxay qilaaf soo kala dhexgalay Kaka iyo macalinkiisa Jose Mourinho.

Kaka oo ah 30 jir ayaa ka tagay kooxda Milan sanadki 2009 markaas oo ay AC Milan ku gaday lacag dhan £56m.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here