Kadib Sanad Taariikhi ahaa Amaanka Muqdisho Maxaa Iska badalay?

Sanadkii ugu danbeeyay, Soomaaliya waxay yeelatay dastuur cusub, baarlamaan cusub, madaxweyne Cusub iyo Ra’iisulwasaare Cusub oo soo doortay Xukuumad aad u kooban, taasoo Soomaaliya ka dhigtay mudo 22 sano ah kadib ineey hesho Xukuumad rasmi ah.

Bishii Augusto, Sanadkaan bilawgiisa baarlamanka cusub waxaa lagu dhaariyay garoonka diyaaradaha Aadn Adde, gaar ahaan meesha gawaarida ladhigto, baarlamanka ayaa kakooban 275 Xilibaan, waxayna tusaale muuqda unoqdeen isbadalka Siyaasadeed ee Soomaaliya ka hana qaaday.

Horumarka Siyaasadeed ee Soomaaliya kahana qaaday waxa uu kalsooni galiyay beesha Caalamka oo durbaba Safaarado ka furtay.

Doowladaha Iran iyo Turkiga, ayaa mudo kadib Safaaradahooda dib uga furtay Muqdisho, Ingiriiska ayaa sidoo kale Safiir usoo magacaawday Soomaaliya kaasoo hada ka howlgala Muqdisho, QM ayaa iyagana sheegay in badanaa Xafiisyadooda loo soo rari Doono Caasimadda, Sidoo kale diyaarada Caalamiga ah ee “Turkish Airways” ayaa bilaawday duulimaad Muqdisho To Ankara ah, intaasoo dhana waxay suuragaliyeen in Muqdisho lagu soo dhiirado lana maalgashado.

“Waxay ahayd Sanad Taariikhi ah” sidaa waxaa yiri Abdirahman Aadle, oo ah siyaasi kamid ah Xisbiga Midnimada.

“Xukuumadda waxay qabatay howl aad u adag” ayuu sii daba dhigay Abdirahman Aadle.

Waxyaabaha aadka muhiimka u ah ee Sanadkaan lagu xasuusan doono waxaa koow ka ah, in markii ugu horeesay baarlamaanka Soomaaliyeed ay wadanka gudihiisa ku doortaan madaxweyne, madaxweynahaasoo kasoo jeeda dhinaca bulshada, islamarkaasna kamid ahaa dadkii 22 sano ee foowdada dalka kajirtay aas aasayaasha goobaha waxbarashada.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Shiikh, ayaa soo magacaabay Ra’iisulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon, oo isna markii ugu horeesay Taariikhda Soomaaliya soo magacaabay Xukuumad kooban, waxaana Xusid mudnayd in markii ugu horeesay haweeneey loo doortay Wasiirada arimaha dibada ahna RW ku xigeen.

Sidaas ooy tahay hadane Xukuumada RW Saacid dadka reer Muqdisho kama helin soo dhoweyn weyn, Ibraahim Cadoow, oo kamid ah dadka ku cusub Siyaasada Soomaaliya ayaa waxa uu leeyahay:

“Waxaan dhihi karnaa dadka reer Muqdisho 80% ma ahan dad garanaya dimoqraadiyada” “maxaa yeelay shacabka maysan soo tijaabin amaba laguma soo tababarin dimoqraadiyada, xitaa dastuurkan shacabka codkooda kama dhiiban” ayuu sii raaciyay Ibraahim Cadoow.

Amaanka, waa waxa ugu muhiimsan ee horyaala Xukuumada Cusub, halmaalin kadib markii madaxweyne Xasan Shiikh loo dhaariyay xilkan, waxaa weerar ismiidaamin ah lagu soo qaaday Hotel Jaziira oo uu markaas madaxweynaha kulan kula lahaa wafdi kasocday doowlada Kenya oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Sam Ongeri.

Sidaas darted amaanka, waa muhiimada koowaad, labaad iyo sadexaad.

Amaanka waa mid soo hagaagaya, kadib markii ay Ciidamada AMISOM, kuwa Kenya iyo Itoobiya ay Al-shabaab ka saareen magaalooyin dhowr ahaa oo ay maamuli jireen.

Laakiin dhibaatada ugu badan ee haysata doowlada Soomaaliya ayaa ah ineeysan haysan Ciidamo rasmi ah oo laysku halayn karo, maxaa yeelay waxaa ku badan maleeshiyo beeleed iyo kuwo aan xirfad Ciidan laheen.

“ILAAHEEY ma qadaree, hadii maanta si lama filaan ah ay Ciidamada AMISOM isaga baxaan Soomaaliya, waxaan dib ugu laabaneeynaa dagaaladii qabiilada, Al-shabaab, iyo in qolo walba ay meel oodato, xitaa Saraakiisha Ciidamada mid walbo qabiilkiisa ayuu hoosta ka galaa, kuwaasoo badankoodna ay kasoo jeedaan beesha Hawiyaha ee ku xoogan Caasimada” ayuu yiri Cabdi Samad Macalin oo horay u ahaa wasiirka gaashaandhiga xukuumadii C/wali Gaas.

Sidoo kale waxaa jira caqabado adag oo soo wajahaya Xukuumada Soomaaliya, sidii loo maamuli lahaa  magaalooyinka laga saaray Al-shabaab, sida magaalada Kismaayo oo kale kana mid ah magaalooyinka Istiraatiijiga ah uguna muhiimsan Soomaaliya.

Qabiilada kunool magaalada ayaa ah kuwo mid walbo ku tartamayo katalinteeda iyo maamulida qayraadkeeda, halka Xukuumadana ay dooneeyso ineey iyada lahaato aayo katalinta Kismaayo.

Masiirka Siyaasadeed eek u aadan katalinta Kismaayo iyo Juba-land, sidoo kalena waa arin laga yaabo ineey fashil ku keento guulihii la gaaray Sanadkaan.

1 COMMENT

  1. Ilahay aan ku wado cabsano oo maamulka maamula dawladu haka raalinta nasaarada oo aynu raacno wallaahi akhero ma jirto ku hoos gambashada ama ku tiigsanaanta super power Allah aan raali gelino kitaabkiisa iyo sunada suubanahisa nolasheena iyada liibaanteend ku jirtaye duni iyo akhiroba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here