Kadib guuldaradii Southampton miyeey Arsenal ugu cad cadahay hanashada Horyaalka?

12 Bilood kahor ayay ahayd markii ay Southampton gurigeeda kusoo garaacday Arsenal, isla sidaas oo kale xalay ayay markale garaacday wiilasha Winger oo sanadkaan loo saadaalinaayo ku guuleeysiga Horyaalka-sidaa darteed waxaa su’aal adag ka taagantahay in Arsenal ay sanadaan qaadi karto Horyaalka?.

Southampton-v-Arsenal

Waxaa la moodayay in Arsenal ay cashir wanaagsan ka baratay guuldaradii 12-bilood kahor kasoo gaartay St Marry’s, balse taas ma dhicin oo mar kale ayaa la biday guuldarro xanuun badan iyadoo waliba xalay looga adkaaday 4-0.

Wiilasha Winger oo xili ciyaareedkaan soo bandhigay ciyaaro aad loo jecleystay islamarkaasina gaarayay Guulo xiriir ah, ayaa xalay inteeysan bilaaban ciyaarta waxaa loo saadaalinayay ineey la wareegaan hogaan Horyaalka, maadaama naadiga ka sareeyay ee Leicester la garaacay. balse waxaa taas badalkeeda dhacday in Arsenal la xasuuqo islamarkaasina laga dhaliyo 4 Gool.

Wenger oo ciyaarta kadib hadlay, ayaa ku andacooday in 4ta Gool 3 kamid ah ay ahaayeen kuwo qalad ku dhashay. waxa uu sheegay in Goolka 1-aad uu ahaa Offside kan labaadna uu ahaa qalad, kan sadexaadna waxa uu ku shegay inuu ahaa Goal Kick.

wenger

Inkastoo taageerayaasha Arsenal xalay niyadjab xoogan soo gaaray, hadana waxay wali aaminsanyihiin kooxdooda, maxaa yeelay wali waxaa jira fursado badan oo ay ugu guuleeysan karto Horyaalka.

Dhinaca kale Tababare Arsene Wenger ayaa ku taageeray xiddigihiisa Arsenal in kulanka habeen dambe ee Bournemouth ay dib uga soo kabsadaan guul daradii cusleyd ee xalay ka soo gaartay kooxda Southampton.

Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa la dhibtootay guul darro 4-0 oo ka soo gaartay xalay gegada St Mary’s iyadoona seegtay fursada ay hogaanka ugu qaban kartay Premier League maadaama laga adkaaday Leicester City.

Iyadoo ay jirto guul darrada, Wenger ayaa ku taageeraya laacibiintiisa inay soo muujiyaan awoodooda maskaxeed Natiijo qumanna uga jawaab celiyaan.

“Ciyaartoydan waxay leeyihiin niyad cajiib ah waxayna tusin doonaan mida 48-saacadood gudahood,” Wenger ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

“Waxaan dooneynaa inaan ka jawaab celino niyad jabkii. Waan aaminsanahay ciyaartoydeeda inay si wacan uga jawaab celiyaan isniinta.

Arsenal ayaa Kulamada soo socda waxaa dhaawac uga soo laaban doona ciyaaryahano Muhiim ah, sida Alexis Sanches.

walcot

Walcott kuma qanacsana ka ciyaarida Garabka Midig:

Dabcan wuu awoodaa inuu dhaliyo goolal asigoo ciyaaraya Garabka Bidix, waxaana uu taas muujiyay Kullankii Man City. balse waxa uu ku dhibtoodaa inuu dhaliyo goolal marka uu ka ciyaarayo garabka Bidix.

Alexis Sanchez, ayaa ah kan awooda inuu dhaliyo goolal asigoo ka ciyaaraya garabka Bidix, maxaa yeelay Sanchez waxa uu awood u leeyahay inuu goolal ku dhaliyo labadiisa lugood.

Dhaawac weyn oo soo gaaray maskaxda ciyaaryahanada Arsenal:

Southampton-v-Arsenal-Premier-League

Wiilasha Arsene Wenger, ayaa tartankaan 4 mar lumiyay fursado ay ku qaban kareen hogaanka Horyaalka iyagoona wali inta badan loo saadaalinayo ku guuleeysiga Horyaalka.

Afarta jaanis ee ay lumisay Arsenal ayaa kala ah, barbarayaashii ay lasoo galeen Tottenham iyo Norwich iyo sidoo kale guuldarooyinka kasoo gaaray West Brom iyo Southampton.

Martesacker oo ay saarantahay Calaamad?

martesacker

Kadib guuldaradii xalay Martesacker ma ahan difaac xoogan oo laysku haleyn karo sida Koscielny, balse waa mid ku fiican oo kaliya kubadaha madaxa lagu bixiyo iyo qabashada baasaska.

Martesacker, malahan speed iyo orod sida saaxiibkiis Koscielny, sidaas darteed dad badan ayaa qaba in laysku lamaaniyo wiilka reer Brazil ee Gabriel iyo Koscielny.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here