Kabtanka Lazio oo loo xiray musuq lagu sameeyey Horyaalka Talyaaniga

Booliska dalka Talyaaniga ayaa xiray kabtanka kooxda kubada cakta Lazio Stefano Mauri kadib marki lagu eedeeyey inuu ku lug leeyahay musuq maasuq lagu sameeyey ciyaaro ka tirsan horyaalka Sera A-da.

32-jirkaan ka ciyaaro qadka dhexe ayaa waxaa lala xiray laacibki hore ee kooxda Genoa Omar Milanetto, sidaasi waxaa xaqiijiyey saraakiisha xaga amaanka.

Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte, oo xilli ciyaareedkan kooxda Juve u hogaamiyey in ay qaadaan horyaalka Seria A ayaa ka mid ah dadka ay su,aalooyinka weydiiyeen booliska.

Saraakiil ayaa sidoo kale booqday xerada tababarka ay ku qaataan xulka qaranka Talyaaniga si ay u wareystaan daafaca dadabka bidix ee xulka Talyaaniga Domenico Criscito.

Criscito oo 25 jir ah ayaa isla maanta laga saaray xulka qaranka, kadib marki macalin Cesare Prandelli uu xulka qaranka oo ka koobnaa 32 ka kusoo koobay 25 laacib isaga oo guryahooda u diray lix laacib oo uu ka mid ahaa Criscito.

Booliska waxay baaritaano ku sameeyeen in ka badan 30 guri oo ay ku jiren guryaha laacibiinta, tababarayaasha iyo shaqsiyaadka kale ee qaar la xiray qaarna la wareystay, waxa kale oo jira laacibiin ka ciyaara horyaalka labaad ee Sera B-da oo iyana baaritaano lagu hayo.
Five people were also arrested in Hungary on suspicion of being part of an illegal international betting ring.

Baaritaanka ku socda macalinka Juventus Conte waxa ay booliska ku sheegeen in aysan lug ku laheyn kooxda Juventus balse loo heysto musuq maasuq lagu xiriirinayo inuu sameeyey mudadi uu joogay kooxda Siena, gaar ahaan kulan dhex maray bishi April ee sanadki 2011 kooxaha Siena iyo Novara.

Sanadihi lasoo dhaafay waxaa kusoo noq noqday kubada cakta dalka Talyaaniga fadeexooyin la xiriira ciyaaro la musuq maasuqay sida in natiijada lasii ogaado, ama in ciyaartooyda qaar inta lacago la siiyo ay iyaga goolal iska dhaliyaan.

Bishi August ee kal hore waxa kiiskaan oo kale lagu xiray kabtanki hore ee kooxda Atalanta iyo laacibki hore ee qadka dhexe xulka Talyaaniga Cristiano Doni kaasi oo marki danbana laga joojiyey ciyaaraha mudo sadex sano iyo bar ah.

Waxaa kale oo isna ciyaaraha laga joojiyey mudo shan sana ah laacibki hore ee Lazio Giuseppe Signori iyo 15 kale oo lagu helay danbiyo la xiriira musuq maasuq ciyaareed.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.