Kabakutukade oo ka hadlay dagaaladi ay AMISOM ku qabsatay Ceelmacan iyo Cisiley (Dhageyso)

Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe ee Xarakada Al Shabaab, Sheekh Yusuf Kabakutukade ayaa sheegay in ay dib uga celiyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada deegaanada Ceelmacaan iyo Cisileey.

Wuxuu sheegay inuu kormeer ku tagay shalay deegaanadaasi, isla markaana uu halkaasi kula kulmay maamuladi ka jiray oo uga warbixiyey xaalada haatan ka jirto sida uu yiri.

Inkasto oo uu sheegayo in ay joogaan deegaanadaasi, hadana ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada ayaa wali ku sugan oo dhufeysyo ka sameystay sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Hadaba halkaan ka dhgeyso wareysi ay idaacad ku hadasho codka Shabaab la yeelatay Sheekh Kabakutukade.